Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Nabadiidka Al-Shabaab ka xoreeyay degaanno Hoostaga G/Shabellaha Hoose “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo Nabadiidka Al-Shabaab ka xoreeyay degaanno Hoostaga G/Shabellaha Hoose “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Nabadiidka Al-Shabaab kala wareegay degaanno hoos yimaada Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Degaanada Nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyay ayaa kala ah Kaxarlow, Cali dheere, Xaawo Adduunyo, God doofaar iyo degaanno kale oo hoostaga Degmooyinka Wanla weyn iyo Afgooye.

Howlgalka lagu xoreeyay degaanadaani ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad ee qeybta 60-aad Gaashaanle Maxamed Cabdullahi Caraaye.

Degaannada lagala wareegay maleyshiyada Al-Shabaab ayaa hore waxa ay dhibaatooyin ugu geysan jireen shacabka, waxaana markii ay deegaannadaas ciidamada xoogga dalka ka sifeeyeen argagixisada Al-Shabaab ay shacabka bilaabeen inay ciidamada soo dhaweeyaan oo ay la wadaagaan xogaha Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Kornel Maxamed Cabadullahi Caraaye oo Warbaahinta kula hadlay gudaha degaanka Kaxarlow ayaa sheegay in Nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyay degaannada kala ah Kaxarlow cali dheere, Xaawo Adduunyo iyo degaano badan hoostaga gobolka Shabellada Hoose

Korneel Maxamed Cabdullahi Caraaye waxa uu sheegay degaannada laga sifeeyay nabadiidka Al-Shabaab ay ka jiraan dhibaatooyin xagga Nolosha ah, loona baahanyahay in shacabka halkaasi ku nool la gaarsiiyo kaalmo dhinac waliba leh.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Suudaan oo soo gaaray Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Qaban qaabada xuska 49 guurada Ciidanka Asluubta oo ka socoto Muqdisho

Next Post
Qaban qaabada xuska 49 guurada Ciidanka Asluubta oo ka socoto Muqdisho

Qaban qaabada xuska 49 guurada Ciidanka Asluubta oo ka socoto Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In