ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 143 ayaa war helay sida ay sheegeen Maleyshiyaad ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah dadka ku dhaqan tuulooyin hoostaga Bariire kaga qaadayay Lacago baad ah.
Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay Maleyshiyaad ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab
Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 12 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab .