Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan ururka 64 aad hurintiisa 2aad ayaa howgallo lagu baacsanayo maleshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay tuulooyinka Tabeelaha iyo Cali Gaad oo hoostaga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha hurinta 2aad ee ururka 64 ciidanka xoogga dalka Yaxye Nuur Maxamud oo howgalkan xogtiisa la wadaagay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay bur buriyeen Saldhigyada argagixisada ay baada kaga qaadi jireen dadka shacabka ah.