Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan ururka 64 aad hurintiisa 2aad ayaa howgallo lagu baacsanayo maleshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay tuulooyinka Tabeelaha iyo Cali Gaad oo hoostaga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha hurinta 2aad ee ururka 64 ciidanka xoogga dalka ย Yaxye Nuur Maxamud oo howgalkan xogtiisa la wadaagay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay bur buriyeen Saldhigyada argagixisada ay baada kaga qaadi jireen dadka shacabka ah.











