Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa howlgal ka dhan ah kooxda khawaariijta ah ka sameeyay deganno dhowr ah oo hoos yimaada dagmada galcad ee gobolka Galgaduud.
Deganada Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo dhulka Howdka ah ee udhaxeeya Cowsweyne iyo Baraagta Sheekh Caamir oo dhanka bari 33km kaga beegan degmada Galcad ayay ciidanku burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhuumaleysaneen iyo miinooyin ay ladamacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah oo ay ku diyarinayeen degaanadaasi.
Saraakiisha hoggaamineeysay howlgalkan oo la hadlay warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kawar heleen dhagarta khawaarijta ay u soo maleegayaan shacabka,islamarakan ay ciidamadu ay ka hortageen.