Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta deegaanka Masaale Gobalka Shabeellada Dhaxe.
Taliyaha Ururka 171aad ee kumaandooska Gorgor Cabdullaahi Mustaf Cali (Tima-weyne) oo hoggaaminayay Howlgalka ayaa tilmaamay inay sii socon donaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ilaa inta laga saarayo goob waliba oo ay gabaad ka dhigtaan cadowga.











