Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Ciidanka Xoogga oo maanta u dabbaaldegay sanadguuradii 62-aad

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
 Ciidanka Xoogga oo maanta u dabbaaldegay sanadguuradii 62-aad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

12-ka April waa maalin weyn oo ka mid ah maalmaha qaran ee shacbiga Soomaaliyeed ay u dabbaaldegaan xuska maalinta ciidanka xoogga oo ah munaasabad lagu soo bandhigo  taariikhda iyo raadadkii  dhaxalka ahaa ee ay ka tageen dadkii iyo kooxihii u soo halgamay midnimada iyo difaaca dalka.

Inkastoo xuska sanadkaan uu u muuqda mid ku soo beegmay xilli kala guur ah, haddana,ujeedka guud ee munaasabaddaan ayaa ah in la muujiyo qiimaha iyo awoodda gaarka ah ee ay leeyihiin Ciidamada Xoogga oo marna ah difaacayaasha dalka,mrna ah badbaadiyaasha shacabka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

 Aasaaskii ciidanka

1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii ugu horeysay ee loo howlgalay aasaaska iyo dhismaha ciidamo habeysan oo u qalma,gaar ahaan  in lagu aamino dalka iyo guud ahaan ka qeybgalka howlgalada ciidan ee qaaradda,iyo kan  gobolka.

Xooga dalka waa cududda koowaad ee uu ku faano  qaranka ,waana ciidan u habeysan ilaalinta nidaamka dowladnimo, iyadoo su gaar ah loogu idmaday in ay sugaan madaxbanaanida,qaranimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 Dhismaha ciidanka

 Guud ahaa ciidanka xoogga oo mararka qaar loogu yeero ciidanka qalabka sida waa kuwo u tababaran  difaaca dalka ,waxaana loo qeybiyaa ciidamada cirka,dhulka iyo badda,asal ahaanna waxay ku dhismeen dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhismaha hoggaanno badan oo loo sameeyay ciidanka ,ayaa ka mid ahaa waxyaabaha suurtagaliyay in kor loo qaado xirfadaha shaqo iyo aqoonta kale ee lagu dhisayo mooralka ciidanka.

Hoggaanada ciidanka

Ciidanka xoogga ,waxa uu leeyahay hoggaanno fara badan oo qabta shaqooyin wax ku ool ah oo looogu talagalay fududeynta adeegyada aan looga maarmin howlaha ciidanka,waxa ayna kala yihiin hoggaanadaasi:-

1-Hoggaanka   Maaliyadda.     2-Hoggaanka   Saadka.

3-Hoggaanka   Tababarada.    4-Hoggaanka   Dab damiska.

5-Hoggaanka   Caafimaadka    6-Hoggaanka   Isgaarsiinta.

7-Hoggaanka   Dhismaha.       8-Hoggaanka   Gaadiidka.

9-Hoggaanka  Nabad-sugidda.   10- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

11- Hoggaanka barista dembiyada.    12-Hoggaanka  Ilaalinta waddooyinka iyo kuwoo kale.

Waxaa markhaati ma doonto ah in ciidamada xoogga ay ahaayeen kuwo awood badan oo xilliyadii berisamaadka ee u dhexeeyey 1964- 1977-dii soo hooyay guullo taariikhi ah, ka dib markii ay baadigoob u galeen xal u helidda dhulal ama deegaanno dhowr ah oo ka maqnaa dalka.

Illa hadda,qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadii hore ee Soomaaliya ayaa fikrad ahaan qaba in xoogga dalka oo xilli ahaa  awoodda sadexaad ee qaaradda Afrika ay dabooleen baahi weyn oo loo qabay dhinacyada,1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeyb-qaadashada horumarada kale ee ka socday dalka .

 Xilligii soo kabashada

Waxaa xaqiiqo ah in dagaaladii sokeeye ee dhacay 1991-dii ay saameyn ku yeesheen qeybaha ciidanka,waxaana la tilmaamaa in burburkii ka hor tirada askarta Soomaaliya ay gaarayeen illaa 300 boqol oo kun oo ka diiwaangashanaa nuucyada ciidanka boliiska,kuwa mileteriga,guulwadayasha iyo asluubta.

Nasiib wanaag, labaatankii sano ee u dambeeyay waxaa lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirrigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka shaqo ee ciidanka xoogga iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa marxaladdaan adage e lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan bulshada  oo xilligaan sugaya ama u hanqal taagaya in ay gaaraan mustaqbal wanaagsan oo ifiya danahooda.

Gabagabadii anagoo ka faa’ideysaneyna xuska 62-aad ee ka soo wareegay aasaaskii ciidanka xoogga,aawadeed,waxaan dhambaal hambalyo ah hawada u marineynaa dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda iyo dableyda iyo  xaasaskooda meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/Qoray Shiroos.

 

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Qiimeynt iyo Xaqiijinta Xarumaha Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo booqday degmada Afgooye

Next Post
Guddiga Qiimeynt iyo Xaqiijinta Xarumaha Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo booqday degmada Afgooye

Guddiga Qiimeynt iyo Xaqiijinta Xarumaha Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo booqday degmada Afgooye

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In