Monday, August 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidmada XDS oo tiro maleshiyaad ah ku dilay tuulada Masaajid Cali Guduud ee G/Sh/Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidmada XDS oo tiro maleshiyaad ah ku dilay tuulada Masaajid Cali Guduud ee G/Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fariisin ay ciidamada XDS ku lahaayeen duleedka tuulada Masaajid Cali Guduud oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa xalay saqdii dhexe waxaa soo weerar maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo watay gaadiidka dagaalka.

Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in saqdi dhexe ee xalay ay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada XDS ku lahaayeen duleedka tuulada Masaajid Cali Guduud, iyagoo sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal soocday muddo saacad ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026

Sarkaal ka tirsan ciidamada XDS ee ku sugan  tuuladaasi ayaa sheegay in ay ciidamadu u jilib dhigeen weerarkaasi iyagoo ku guuleeystay iney kala ceyriyaan maleeshiyaadkaasi, wuxuuna intaasi ku daray saaka lagu arkay halkaasi tiro meydad ah oo ay maleeshiyaadki shabaab ka carareen.

SIdoo kale sarkaalkaasi ayaa qiray in laba askari ay uga dhaawacmeen dagaalki xalay, wuxuuse meesha ka saaray iney jiraan wax dhimasho ah oo soo gaaray ciidamadaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay iney saaka billaabeen howlgallo ay ku baacsanayaan firxadka maleeshiyaadki xalay soo weeraray, iyagoo gacan ka helaya dadka ku nool deegaanka Masaajid Cali Guduud.

Tuulada Masaajid Cali Guduud ayaa ka mid ah deegaannadi ugu dambeeyay ee ciidamadu ka xoreeyeen maleeshiyaadka Shabaab oo muddo sanaddo ah dhibaatooyin xad dhaaf ah ku hayay dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Previous Post

Madaxweyne Erdogan “Waanu sii wadi doonnaa halganka aanu argagaxisada kula dagaalamayno”+Sawirro

Next Post

R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dhalashadi boqoradda Ingiriiska+Sawirro

Next Post
R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dhalashadi boqoradda Ingiriiska+Sawirro

R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dhalashadi boqoradda Ingiriiska+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DWBS, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In