Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciise Xuseen “Laba maalmood ayaa burburka ku hoos jiray” (Sawirro)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ciise Xuseen “Laba maalmood ayaa burburka ku hoos jiray” (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Lix maalmood kaddib qarixii lagu halaagsamay ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaa weli socda gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha.

Waxaa dadkaa ka mid ah, Ciise Xuseen oo laba maalmood ku jiray burburka hoostiisa.

Related posts

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026

“Gaari ayaan saarnaa, qaraxa markuu dhacay wuu iga tuuray gaariga, waxaana ku dhex dhacay holac wadada geesgeeda ah, waan ku dhex guurguurtay,” ayuu yiri Ciise oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu Ciise sheegay in uu gaari ka soo raacay dhanka lambar afar. “Markaan Soobe soo gaarnay ayuu qaraxa dhacay, waan wareeray, meel kastoo aan eegay dab ayaa iga jiray,” ayuu yiri.

Sida dowladda ay sheegtay, ugu yaraan 281 qof ayaa ku dhimatay, balse laamaha caafimaadka waxay sheegayaan in 300 oo qof ka badan ay ku dhinteen qaraxa.

Sidoo kale, waxaa cisbitaallada buuxo dadkii dhaawacmay oo kor u dhaafaya 400 oo qof. Qaar ka mid ah waxaa loo qaaday dibadda si loo soo daaweeyo.

“Waan iska guurguurtay, waxaan galay dhisme sii dumaaya. Alle ayaa mahad leh, intaan ayaa isoo gaartay,” ayuu sheegay Cise oo 24 sano jir ah.

“Dhagaxii ayaa igu kor dhacay, jug baa i gaartay oo gurigaa igu kor dumay,” ayuu yiri Ciisa Xuseen oo weli yaalla cisbitaal.

Codkiisu waa daciif, waxaana ka muuqdo dhaawacyadii ka gaaray gacmaha iyo lugaha.

Markii la helayay, waxaa la arkay asigoo madaxiisa oo ka soo jeeda meel burburtay wuuna miyir daboolnaa. Kooxdii gurmadka ayaa soo saartay, oo ula carartay cisbitaalka.

Isla maalintaa waxaa la helay maydad kale oo dheeraad ah oo dhismayaasha ay ku dumeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Cise Xuseen wuxuu ahaa muruqmaal ka shaqeysta dhisidda guryaha iyo qaadidda dhagxaanta.

“Markii aan burburka hoos galay, gurigii wuu igu kor dumay, ka dib waxaan galay meel laba guri ay iska qabtaan,” ayuu yiri Cise.

Wuxuu intaa ku daray; “madaxa iyo gacmaha baan ka baxsaday meel yar oo ciriiri ah, qaarka dambe ayuuna dhismaha iiga fariistay, waana miyir daboolmay.”

“Dhinacyada oo dhan waan u jeesan waayay meesha ciriiri ayey ahayd, dhismahana dhinacyada oo dhan ayuu iiga soo dumay,” ayuu u sheegay BBC-da, oo ku booqatay cisbitaalka lagu daweynayo.

Ma uusan ogeyn xilli meesha laga soo saaray, wuxuuna sheegay in uu soo toosay un asagoo cisbitaalka yaalla.

Qarixii Soobe oo loo adeegsaday gaari xamuul ah waxaa lagu tilmaamay midkii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, wuxuuna sababay dhimasho aad u badan.

Meesha uu ka dhacay waxaa hadda ka bilowday dib u dhis lagu sameynayo waddada iyo dhismayaasha ku burburay.

Xigasho: BBC-Somali

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta taageerada ay siineyso Soomaaliya

Next Post

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Next Post
Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In