Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cisbitaalka Cadaado oo lagu soo kordhiyay qeyb cusub “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaybtan cusub ee lagu soo kordhiyay cisbitaalka dhexe ee magaalada Cadaado ayaa loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka, waxaana maanta xariga ka jaray Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo munaasabadda ay ka qayb galeen madaxda maamulka, bahda caafimaadka iyo ururrad bulshada.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullahi Cabdiraxmaan “Tootoole” ayaa sheegay in mashruucan oo ka koobnaa 13-qol iyo 8-musqul ay fuliyeen maamulka degmada oo kaashanaya Hay’adaha ku bahoobay JPLG, isagoo intaa ku daray in mashaariic kalena ay ka fulin doonaan magaalada Cadaado.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dr Maxamed Cumar Yuusuf Agaasimaha cisbitalka dhexe ee  magaalada Cadaado ayaa sheegay inay aad ugu baahnaayeen qaybtan balse qalabaynteedu ay harsantahay, isagoo ku baaqay in la fududeeyo qalabka uu cisbitaalka u baahan yahay.

Guddoomiyaha golaha Baarlamanka maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullahi Faarax Sandheere ayaa maamulka degmada ku amaanay waxbqabadka muuqda ee uu sameeyay iyo sida musuq maasuq la’aanta ah ee mashruucan uu u maamulay.

Mashruucan lagu balaariyay qaybta Hooyada iyo Dhallaanka ee cisbitalka dhexe ee Cadaado ayaa qayb ka ah mashaariicada sanadkan laga hirgelayay magaalada Cadaado.

DSC00737 DSC00738 DSC00741 DSC00744 DSC00746 DSC00749 DSC00751 DSC00754 DSC00756 DSC00757 DSC00764 DSC00766 DSC00767 DSC00771 DSC00779 DSC00782 DSC00790 DSC00795 DSC00799 DSC00800 DSC00801 DSC00802 DSC02546 DSC02550 Maxamuud Cabdi Diirshe

 

 

 

Previous Post

Wasiir Mustaf Dhuxulow “Waa inaan dhalinyarada si buuxda u taageernaa si ay uga qeybgalaan siyaasadda iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya”

Next Post

War-saxaafadeed Maamul wanaag iyo la dagaallanka Musuq maasuqa

Next Post

War-saxaafadeed Maamul wanaag iyo la dagaallanka Musuq maasuqa

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In