Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciyaar Lagu Maamuusayay Munaasabadda Maalinta Dhir beerista Qaranka Oo Galabta Muqdisho Dhacday “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ciyaar Lagu Maamuusayay Munaasabadda Maalinta Dhir beerista Qaranka Oo Galabta Muqdisho Dhacday “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxaha Kubada Cagta ee Gaadiidka iyo Safaana ayaa galabta waxaa ay wada ciyaareen ciyaar lagu maamuusayay Munaasabada Maalinta Dhir beerista Qaranka Soomaaliyeed oo 17-ka April ku beegan,  waxaana kooxahaasi ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo ay daawanayeen dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo mas.uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Dalka ka jira.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa daawanayay Ciyaartaas xiisaha badaneyd ee galabta ka dhacday Garoonka Koonis Stadium,  waxaana ka mid ahaa wasiiradaasi  wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Dalka Cabdullaahi Xasan Nuux , Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, xubno wasiiro ah oo ka kala socday Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan kuwaas oo maalmahaanba joogay Magaalada Muqdisho iyo xubnaha Gudiga Qaran ee loo saaray Maamuuska Maalintan.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Labada kooxood ayaa waqtigii loogu talo galay ciyaarta waxaa ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac oo wax gool kalama dhalin ilaa aakhirkii  rigoorayaal ay ku kala baxaan, iyadoo guushu ku raacday kooxda Gaadiidka 3-2.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshadda Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo ka hadlay gabagabadii ciyaartaas ayaa waxaa uu sheegay in ay muujineyso niyad wanaag iyo nabad galyada ay haystaan bulshada Caasimada ku nool uuna aad u bogaadinayo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa isagu u mahad naqay kooxaha ciyaartan wanaagsan soo bandhigay iyo xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed.

2 4 11 13 9 16 15 14

SAWIR QAADE AXMED CALI KAAHIYE 

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay dhibaatooyinka Qaadka “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In