Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciyaaraha Soomaalida qurba joota oo lagu soo gebagebeeyay Amsterdam (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Ciyaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland, iyadoona sanadkan lagu xusayo 10-sano guurada kasoo wareegatay xilligii la aas-aasay qabashada Ciyaaraha HIRDA AFT.

Tartanka AFT sanadkan ayaa waxaa  ka qeyb galay 24-kooxood oo kubada cagta ah, iyo labo koox oo gabdhaha Kubada Koleyga, kuwaasi oo kala socday wadamada Netherlands, Norwey, Denmark, Sweden, Finland, Switzerlands iyo Beljium.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026

Ciyaarahan  ayaa waxaa sanadkan si gaar ah loogu casuumay, Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Benelux iyo EU-da Cali Saciid Faqi, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) Guddoomiyaha Xiriirka CAFUSA Abdel Mokhtar, Mohamed Attaibi oo ah Ciyaaryahan u cayaara Orange Futsal team, Cayaaryahankii hore ee Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya iyo kooxdii Horseed Maxamed Ismaaciil, Macalin Xasan Faarax Joon, Qabiir Isboorti isla markaana Matalayay Ururka Isboortiga SEUKI ee ka dhisan dalka Sweden, Sacad Cumar Geedi, Axmed Diinaash, Axmed Muuse, Magan Tahir, Qaar ka mid ah Cayaartoydii hore ee Kubada Cagta, Kubada Koleyga, Teeniska, Orodada, Fanaaniinta kala ah, Cabdi Baadil Ibraahim, Laki Xaaji Waceys, Waayaha Cusub iyo dad kale oo Magac ku dhex leh Bulshada dhexdooda.

Tartankan  ayaa waxaa sidoo kale sanadkan lagu casuumay xulka Qaranka Futsalka dalka Morocco, oo ka yimid dalka Beljium, kuwaasi oo 2 kulan la yeeshay Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Qurba joogta, oo ku ciyaarayay Magaca (Somali Dream team EU iyo Somalia Dream team Holland), waxaana Xulka Qaranka Futsalka Qurba joogta dalka Morocco u suura gashay in ay labo kulan ka badiyaan Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku cayaareysay Magaca Somali Dream Team.

Wareegii 1-aad ee Ciyaaraha HIRDA AFT, ayaa waxaa ku haray 12 kooxood, oo kala ah; Hoorn (NL), West-Agder (NOR), Kopenhagen (FIN), Veenendaal (NL), Wageningen (NL), Wassenaar (NL),  Nieuw-Lekkerland (NL), Amsterdam (NL), Zurich (CHE) , Kristiansand (NOR)  Nieuwwegein (NL) Eindhoven (NL).

Wareega 2-aad waxaa ku tartamay Kooxaha kala ah;  Venray  (NL), Leidschendam (NL), Denhaag (NL), Rotterdam (NL), Reeuwijk (NL), Husby (SWE), Stockholm (SWE), Helsink (FIN), Antwerpen (BEL), Alkmaar (NL), Denbosch (NL), Arnhem (NL), waxaana Finalkii Cayaaraha hiigsaday labada koox ee kala ah, Reeuwijk (NL) oo uu hogaaminayay Macalin Foora-gacan iyo Kooxda Denhaag (NL) oo uu Hogaaminayay Macalin Niinje, waxaana Koobkii la hoyday kooxda Reeuwijk (NL), ee uu hogaaminayay Macalin C/ladhiif Islow (Foora-gacan), iyadoona Koobka uu guddoonsiiyay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Dhinaca kale waxaa iyaguna fooda is daray Kooxaha Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed ee Qurba-joogta, kuwaasi oo ka kala yimid wadamada Britian, Norwey, Holland iyo Germany, iyadoona ay kala Hogaaminayeen Ciyaartoydii hore ee Soomaaliyeed, Xaawo Kiin iyo Shukri Dalbaas, waxaana labo kulan oo dhex maray labada koox ay guusha raacday Kooxda ay Hogaamineysay Shukri Dalbaas, kuwaasi oo hantay Koobkii Gabdhaha Kubada Koleyga ee Cayaaraha HIRDA, waxaana Koobkaasi guddoonsiiyay, Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya EU-da & wadmada Benelux Dr. Cali Saciid Faqi.

Gaba-gabadii Ciyaaraha ayaa xaflad weyn oo lagu qabtay Hoolka Xafladaha ee Garoonka Sporthallen Zuid Amsterdam, ayaa waxaa Abaalmarino kala gedisan halkaasi lagu Guddoonsiiyay Kooxihii galay kaalimaha 1-aad, 2-aad, Ciyaaryahankii ugu goolalka Badnaa, Ciyaarahankii ugu wanaagsanaa, iyo shakhsiyaad isugu jirey ; Macalimiin, Fanaaniin, Siyaasiyiin, Wariyeyaal, Shakhsiyaad ka shaqeeya Arrimaha bulshada, iyadoona dadka laga xusi karo ay ka mid yihiin, Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Agaasimaha Hey’adda HIRDA, Drs. Faatumo Faarax, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) Fanaanka Cabdi Caadil Ibraahim, Qabiiro Isboorti iyo dad kale oo Magac ku dhex leh bulshada dhexdooda.

IMG_8491 IMG_8538 IMG_8540 IMG_8542 IMG_8549 IMG_8551 IMG_8569 IMG_8601 IMG_8722 IMG_8740 IMG_8756 IMG_8768 IMG_8769 IMG_8783 IMG_8794 IMG_8797 IMG_8803 IMG_8832 IMG_8896 IMG_8906 IMG_8912 IMG_8994 IMG_9141 IMG_9185 IMG_9191 IMG_9205 IMG_9259 IMG_9265 IMG_9276 IMG_9318 IMG_9325 IMG_9345 IMG_9346 IMG_9352 IMG_9390

 

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  oo dalka dib ugu soo laabtay”sawiro”

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In