Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciyaartoyda Soomaaliya ugu qeybgali doonta ciyaaraha Olympic-da ee Rio-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ciyaartoyda Soomaaliya ugu qeybgali doonta ciyaaraha Olympic-da ee Rio-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo dhowaan dalka Brazil gaar ahaan magaalada Rio de janeirio  uu ka furmi doono ciyaaraha Olympicda aduunka oo afartii sano mar la qabto isla markaana ay bilaabatay tagitaanka ciyaaryahnadii ka qeybgali lahaa tartaankaas, waxaana Soomaaliya ugu qeybgali doono tartankaas labo ciyaaryahan.

Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Daa’uud maxamed, ayaa Soomaaliya ugu qeybgali doona tartanka ciyaaraha Olympicda dalka Brazil ka furmi doona bisha soo socota ee August.

Related posts

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026

Orodka 400 oo M ah ayay ka qeybgali doontaa Maryan, halka Maxamed oo kamid noqon doona ciyaaryahnada 5,000 M kaas oo ah orodka dheer, waxayna u noqon doontaa markii ugu horeysay oo Maxamed uu ka qeybgalo tartan caalami ah.

Maxamed Daa’uud Maxamed ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo u waramay wargeyska NewVision ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay in Soomaaliya u matalo tartankaas isagoo sita calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maryan waxaa ay horey ugu qeybgashay tartano goboleed iyo mid caalami ah, waxaana kamid ahaa tartanada dhalinyarada caalamka ee lagu qabtay dalalka; Kenya, jamhuuriyadda Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia, China iyo wadamo kale.

“Tiro kamid ah wadamada caalamka oo ay kamid yihiin Jamaica iyo Mareykanka ayaa ka qeyb qaadanaya, laakiin waxaa rabaa in aan ka dhex muuqdo inkastoo tababarkooda oo kale helin” ayay tiri Maryan.

Maxamuud Caddow Nuur oo ah macalimka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud ayaa sheegay in ciyartoy badan oo Soomaali ah wadamo kale u ciyaaraan isla markaana guulo u soo hoyeen taas oo keentay burburkii dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Khaliida Aadan Daahir, ayaa sheegtay in ay rajeynayaan in wax badan isbedeli doonaan waqtiyada dhow.

Ciyaaryahnada Soomaaliya u matali doona ciyaaraha Olympicda ee dalka Brazil ayaa waxaa ay tababar ku qaateen garoonka Stadium Banaadir oo dib u habeyn balaaran uu ku sameeyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo kaashanaya kan aduunka ee FIFA.

aaaaaaabig-703x422 sml01-680x477 sml02-680x487 sml03-680x496 sml04-680x495

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

In ka badan 8,000 oo ruux oo lagu eedeyay afgambigii fashilmay ee Turkiga oo la maxkamadeyn doono

Next Post
In ka badan 8,000 oo ruux oo lagu eedeyay afgambigii fashilmay ee Turkiga oo la maxkamadeyn doono

In ka badan 8,000 oo ruux oo lagu eedeyay afgambigii fashilmay ee Turkiga oo la maxkamadeyn doono

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In