Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay doorashadii Joe Biden

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay doorashadii Joe Biden
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labada Aqal ee Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyey doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi ee uu ku soo baxeen madaxweyne      Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa guddoomiyey kulankan oo go’aan kama dambeys ah looga gaaray doorashada, isaga oo shaaciyey natiijada meel-marinta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

Meel-marintan ayaa soo gaba-gabeysay doodii dheereyd ee maalmahan ka taagneyd doorashada Mareykanka ee u dhexeysa Trump & Biden.

Sidoo kale inta ay socotay munaasabadda meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.

Intii uu kulanku socday taageero yaasha Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol Hill ee magaalada Washington, 4 qof ayaa ku dhimatay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee  ka dhacay Maraykanka.

Taliyaha Booliska Washington Robert J. Conti ayaa sheegay in afar qof ay ku dhimatay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xalay ka dhacay aqalka Koongareeska Maraykanka hortiisa.

Conte wuxuu intaas ku daray in 52 qof la xiray ka dib markii taageerayaasha madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump ay xoog ku galeen xarunta baarlamaanka.

Taageerayaasha Donald Trump ayaa doonayay inay hor imaad ku sameeyaan howlaha Congress-ka iyo guusha uu gaaray madaxwaynaha la doortay ee Joe Biden

Booliska Washington ayaa sheegay in baaritaana dheeraad ah la sameyn doono  lagana hor tegi doono wax kasta oo wax u dhimaaya amniga.

Previous Post

Xaaladda Washington oo kacsan kadib markii taageerayaasha Trump xoog ku galeen dhismaha Capitol Hill

Next Post

Wasaaraddaha Caafimaadka Federaalka iyo Galmudug oo kulan  yeeshay “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaraddaha Caafimaadka Federaalka iyo Galmudug oo kulan  yeeshay “SAWIRRO”

Wasaaraddaha Caafimaadka Federaalka iyo Galmudug oo kulan  yeeshay “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In