Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay doorashadii Joe Biden

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay doorashadii Joe Biden
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labada Aqal ee Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyey doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi ee uu ku soo baxeen madaxweyne      Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa guddoomiyey kulankan oo go’aan kama dambeys ah looga gaaray doorashada, isaga oo shaaciyey natiijada meel-marinta.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Meel-marintan ayaa soo gaba-gabeysay doodii dheereyd ee maalmahan ka taagneyd doorashada Mareykanka ee u dhexeysa Trump & Biden.

Sidoo kale inta ay socotay munaasabadda meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.

Intii uu kulanku socday taageero yaasha Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol Hill ee magaalada Washington, 4 qof ayaa ku dhimatay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee  ka dhacay Maraykanka.

Taliyaha Booliska Washington Robert J. Conti ayaa sheegay in afar qof ay ku dhimatay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xalay ka dhacay aqalka Koongareeska Maraykanka hortiisa.

Conte wuxuu intaas ku daray in 52 qof la xiray ka dib markii taageerayaasha madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump ay xoog ku galeen xarunta baarlamaanka.

Taageerayaasha Donald Trump ayaa doonayay inay hor imaad ku sameeyaan howlaha Congress-ka iyo guusha uu gaaray madaxwaynaha la doortay ee Joe Biden

Booliska Washington ayaa sheegay in baaritaana dheeraad ah la sameyn doono  lagana hor tegi doono wax kasta oo wax u dhimaaya amniga.

 

Previous Post

Xaaladda Washington oo kacsan kadib markii taageerayaasha Trump xoog ku galeen dhismaha Capitol Hill

Next Post

Wasaaraddaha Caafimaadka Federaalka iyo Galmudug oo kulan  yeeshay “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaraddaha Caafimaadka Federaalka iyo Galmudug oo kulan  yeeshay “SAWIRRO”

Wasaaraddaha Caafimaadka Federaalka iyo Galmudug oo kulan  yeeshay “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In