Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in labada bishan ay bilaaban doonto hadal jeedinta murashaxiinta oo ay ka horjeedinayaan Baarlamaanka Federaalka.
Guddoomiyaha Guddiga Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in labada bishan ay si rasmi ah u bilaaban doonto hadal jeedinta nusharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee baarlamaanka, isagoo xusay in soo gudbin doonaan magacyada muddada saddexda maalin ee ay socon doonto hadal jeedinta
“Labada bishan musharixiinta waxa ay baarlamaanka ka horjeedin doonaan khudbadahooda, maalintiina waa sideed, sidaas ayay ku noqoneysaa muddo saddex cisho ah, marka aan soo dirno magacyada musharixiinta, waa inay nuqul ka mid ah khudbadooda keenaan oo ay Xildhibaanada u qeybiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha J.S.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharixinta ay weli heystaan fursad ay codkooda ku gaarsiin karaan bulshada, iyagoo u maraya Telefishinka Qaranka, isla markaana soo duubaya cod shan daqiiqo ah.
“Musharixiinta weli way keeni karaan cod shan daqiiqo ah oo uu kaga hadlayo waxqabadkiisa iyo qorshaha uu hiigsanayo, waxaana musharixiinta ay codadkaasi ku soo hagaajin karaan, Telefishinka Qaranka, waxaana ay heystaan fursad ay bulshada kula hadli karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale.