Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cudurka Daacuunka oo ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Cudurka Daacuunka oo ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in toddobo qof ay dhimatay, 541 kalena la dhigay xarumaha caafimaadka kaddib markii cudurka daacuunka uu ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, gaar ahaan xerada lagu magacaabo Dhagaxley.

Dadka uu cudurku soo ritay badankood waa carruur ka yar 12 sano, sida ay sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF, taas oo xustay in roobab xooggan oo ka da’ay deegaanka iyo nadaafadda oo xun ay door ka qaateen faafidda cudurka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Roobabka ayaa uga sii daraya xaaladda nadaafadda oo horeyba u liidatay,” ayuu yiri Charles Gaudry, oo ah madaxa howlgallada MSF ee dalka Kenya.

Charles ayaa sheegay in tirada bukaannada la jiifinayay xarumaha caafimaadka ay sii kordhaysay tan iyo toddobaadkii tegay, iyadoo carruurtu ay yihiin kuwa ugu badan ee cudurku saameeyay.

Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale ee ka shaqeeya samafalka ayaa xarumo lagu daaweeyo bukaannada cudurkan ka furay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalkaasi Kenya.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ururrada bulshada rayidka ah oo soo dhaweeyay qo’aannadii ka soo baxay shirkii wada tashiga

Next Post
Ururrada bulshada rayidka ah oo soo dhaweeyay qo’aannadii ka soo baxay shirkii wada tashiga

Ururrada bulshada rayidka ah oo soo dhaweeyay qo'aannadii ka soo baxay shirkii wada tashiga

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In