Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cudurka Dabeysha Oo Soomaaliya Laga Waayay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

hey’adaha Qaramada midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay ku dhawaaqeen in sanadihii 2013-2014 Soomaaliya laga heley cudurka Dabeesha kaas oo saameeyay dad ku dhow 200 oo ruux oo u badan carruur uu ka dhaaday cudurkaasi Soomaaliya.

Sida lagu sheegay waxbixin ay si wadajir ah u soo saareen hey’adahaUNICEF, WHO iyo hey’adda caalamiga ah ee ka shaqeeya ciribtirka cudurka Dabeesha,iyadoo tani ay ka dambeysay 14 bilood kadib markii kiis cudurkaasi kamid ah laga heley dalka.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Qiimeyn laga sameeyay guud ahaan Soomaaliya ayaa bishan Oktoober waxaa la go’aamiyay in Soomaaliya laga waayay cudurkaasi.

Isku dubaridka gargaarka ee Soomaaliya  Peter de Clercq ayaa sheegay in guulaha arintan laga gaaray ay sharafteeda leeyihiin mutadawaciinta  Soomaalida ah kuwaas oo naftooda khatar u geliyay sidii ay u badbaadin lahaayeen nolashada dad oo Soomaaliyeed.

Isagoo dowladda Soomaaliyana ku amaanay la dagaalanka cudurkan si wadanka looga ciribtiro.

“Madaxda Soomaalida waxaa ay cudurka Dabeesha ka dhigeen mudnaanta koowaad ee qaranka ayagoo sameeyay dadaal xoog badan si carruurta oo dhan tallaalka u qaataan,” ayuu yiri .

Cudurka Dabeesha ayaa laga heley Soomaaliya sanadkii 2013 bishii Maay, taas oo aheyd markii ugu horeysay muddo lix sano ah, kadib markii waalidiinta gabar labo sano jir ah oo Muqdisho jooga la arkay ayadoo aan socon Karin.

Cudur sidaha loo yaqaano virus, ayaa ah mid sababi kara curyaanimo ama  paralysis xitaa dhimasho, waana mid si dhaqso leh ku fidi karaa, waxaana uu saameeyay 194 ruux sanadkii 2013-ka.

Iyadoo Soomaaliya dadka uu cudurkan uu saameeyay ay gaarayaan ilaa 5 ruux sanadkii 2014ka.

In ka badan  2.1 million oo carruur ah oo da’dooda ay ka hooseyso shan jirka ayaa bartilmaameed u ahaa olole  tallaal ah oo ay fulisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayadoo kaashanaysa hey’adaha qaramada midoobay  iyo ururka GPEI.

Labo kamid ah shaqaalaga hey’adda UNICEF oo ka shaqeynayay la dagaalanka cudurka Dabeesha ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Garoowe bishii Abriil.

 

Previous Post

Madaxweynaha “Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda”+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In