Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cudurka Jadeecada oo ka dillaacay degaanno ka mid ah Jubbooyinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Cudurka Jadeecada oo ka dillaacay degaanno ka mid ah Jubbooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in 64 Carruur ah oo Labadii Toddobaad ee u dambeeyay uu soo ritay Cudurka Jadeecada lagu Daweynayo Cusbitalka guud ee Magaalada Kismaayo.

15 ka mid ah Carruurtan la xanuunsan Jadeecada ayaa la sheegayaa inay horay u qateen Tallaalka ka hortagga ah ee Dhallaanka la siiyo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Saraakiisha Cuspitalka weyn ee Kismaayo ayaa sheegay in Carruurtan laga keenay Shanta Xaafadood ee Kismaayo iyo Degaanno kale oo ay ka mid yihiin Jamaame, Buulo-gaduud, Buulo-Xaaji, Beerxaani iyo Cabdalla Biroole oo Jubbada hoose ah iyo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

Caasho Xaaji Maxamed oo la joogta Labo Wiil oo ay Ayeeyo u tahay, lana xanuunsanaya Cudurka Jadeecada ayaa sheegtay, in xilliyo kala duwan ay Ilamahaasi qaateen dhammaan tallaalladii ay dhaqaatiirtu kula taliyeen.

Drs; Maryan Xuseen Maxamed oo ku takhasustay Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, ahna ku-xigeenka madaxa qeybta Jadeecada ee Cusbitalka ayaa sheegtay in ay dhacdo mararka qaar inuu Cudurku ku dhaco Carruur la tallaalay, taas oo ay sababi karto haddii tallaalkii ay qaateen ay tayadiisa xumeyd ama shaqaalaha siiyay aanay qabin tababar wanaagsan.

Jadeecadu waxay ka mid tahay Cudurrada aan Dawada lahayn ka hortag mooyee sida ay sheegtay dhaqtaraddu, wxanay Dadka ku boorrisay inay ka faa’iideystaan Cusbitalka ay taageerto hay’adda ICRC oo laga helo Dawooyin Lacag la’aan ah iyo Cuntooyin Nafaqaysan oo Jirkooda soo kaba.

Previous Post

Qarax loo adeegsaday gaari oo saakay ka dhacay deg. X/jajab

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In