Mas’uuliyiinta Ka tirsan Maamulka Galmudug ee degmada Cabuudwaaq iyo Maamulkaย caaafimaadka Degmada ee DF Soomaaliya ayaa maanta boqday isbitaalkaย Caafimaadka Cibaado ee Degmada Caabudwaaq oo ay jiifaan bukaano
gaaraya 60 ruux oo uu soo ritay Xanuunka Shuban biyoodka oo dhawaan ayย sheegeen mas’uuliyiinta Caafimaadka degmada in kiiskiisa lagu Arkayย Xarumaha Faafimaadka Degmada.
Bukaanada uu soo ritay xanuuka Shuban biyoodka ayaa sare u kacayย Labadii maalmood ee ugu dambaysay sida ay sheegeenย mas’uuliyiintaย caafimaadka oo ay wehliyaan maamulka degmada ee DGGM oo maanta booqday
halka lagu baxnaaninayo bukanadaasi oo u badan caruurta daโdoodu ay kaย yar tahay 5.ta sano.
Booqashada maanta lagu kormeeriyay dadka uu soo ritay xanuunka Shubanย biyoodka ayaa waxaa ku wehliyay mas’uuliyiinta degmada Dr. Axmed Cumarย Cabdi (Axmed Baashi) oo ah wakiilka Badha Daryeelka Caafimaadka
Soomaaliya iyo xunbo kale.
Madaxa Caafimaadka degmada ee D. F. mudane Mahad Xasan Raage oo ku sugnaaย isbitaalka Cibaado oo ah isbitaalka kaaliya ee waqtigan dadka ay kaย helaan Daaryeel Caafimaad oo lacag laโaan ah isla markaana si toosa u
hoos taga Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Faderaalka ayaa sheegayย baxnaaninayo bukaanada isibaatlka Cibaado ay hadda jiifa ay gaara yaanย 60. Ruux oo lagu arkay kiiska xanuunka Shuban biyoodka waxuuna intaasi
raacshay in si doo kale la keenay isbitaalka ay ku jiraan bukaano kaleย oo iygana laga helay xanuunka Jadeecada.
Dr. Axmed Cumar Cabdi (Axmed Baashi) oo ah wakiilka Badha Daryeelkaย Caafimaadka Soomaaliya oo ka md ahaa mas’ulliyiintaa kormeerka kuย tagaay goobta lagu xanaaneynayo dhinaciisa sheegay inay qayb ka qaadan
doonaaan Bahda Daryeelka Caafimaadka wax u qabashada dadka jiifaย Xarunta ee la ildaran xanuunkan.
Ugu Dambayn Gudoomiyaha degmada ee Dawlad Goboleedka Galmudug Mahadย Cumar Cilmi ayaa uga mahad celshay maamulka iyo shaqaalaha isbitaaalkaย sida diirran ee ay ugu gurmadeen dadka uu soo ritay Xanuuka isagoo
hadalkiisa sii watana waxaa uu yiri dawladda Galmudug qaybteeda ayay kaย qaadan doontaa wax u qabadka dadka Xanuunsan.
Cabdikariin Axmed Bulxan



























