Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Culimaa’udiinka oo ka hadlaya waxa ay diinta Islaamku ka qabto gudniinka Fircooniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Culimaa’udiinka oo ka hadlaya waxa ay diinta Islaamku ka qabto gudniinka Fircooniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Owqaafta iyo Diinta ayaa tababar u qabatay qaar kamid ah culimaa’udiinta kaas oo ku saabsan waxa ay shareecada Islaamku ka qabti gudniinka fircooniga.

Siminaarka oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo Hay’adda UNICEF ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Macalin Cali Aadan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Sheekh Maxamed Kheyroow Aadan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026

Shariif Ibraahim Cabdullahi oo bixinaya darsiga la xiriira gudniinka ayaa sheegay in sharciga Islaamka uusan qabin gudniinka Fircooniga ah, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in looga deydo sida ay qabto Sunnada Nebigeena Muxamed N.N.K.H.

“Gudniinka waa labo, mid waa Sunno , midna waa Fircooni, midka Sunnada waxaa looga dayanayaa Nabiga N.N.K.H, imaa kan kale, waa dhaqankii Fircoon, oo markii uu gumeysanayay Reer Banii Isra’il Gabdhaha u gudi jiray si aan aheyn Sunnada Rasuulka”ayuu yiri Shariif Ibraahim.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Macalin Cali Aadan Caddow oo furay tababarka ayaa ku booriyay Culimada in si hufan ay kaga doodaan, waxa uu Islaamka ka qabo Gudniinka Fircooniga ah, iyada oo dooda waxa kasoo baxa lagu saleynayo waxa ay Diinteena ka qabto.

“Waa siminaar loogu tala galay waxa uu yahay Gudniinka, ma jiraa mise ma jiro, muxuuse yahay Fircooniga ah, Diin ayaan leenahay Diinteena waa Islaamka, sida awgeed waxaa waajib ah inaan ku dhaqano Diinteena, marka ujeedadu waxa ay tahay waxa ay Diinteena ka qabto, Culimada ayaan ka dooneynaa inay ka doodaan oo ay kasoo saaraan wax la isku raacsan yahay, Wasaaradda siyaasad ahaan iyo Diin ahaan waajib ayaa ka saaran arrintan, iyada oo kaashaneysa Culimada” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa dhowr jeer oo hore qabatay barnaamijyo Ummadda looga wacyi galinayo Gudniinka Fircooniga ah, oo ka sakoow shareecadda Islaamka uusan qabin qanuunka Dowladda iyo midka Caalamiga ah.

DSC01068 DSC01072 DSC01074 DSC01076 DSC01078 DSC01081 DSC01083 DSC01085 DSC01086 DSC01087 DSC01088 DSC01090 DSC01091 DSC01096 DSC01102 DSC01103 DSC01106 DSC01107 DSC01114

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaannada oo su’aallo weydiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Xildhibaannada oo su’aallo weydiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In