Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Culimaa’udiinka oo ka hadlaya waxa ay diinta Islaamku ka qabto gudniinka Fircooniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Culimaa’udiinka oo ka hadlaya waxa ay diinta Islaamku ka qabto gudniinka Fircooniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Owqaafta iyo Diinta ayaa tababar u qabatay qaar kamid ah culimaa’udiinta kaas oo ku saabsan waxa ay shareecada Islaamku ka qabti gudniinka fircooniga.

Siminaarka oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo Hay’adda UNICEF ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Macalin Cali Aadan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Sheekh Maxamed Kheyroow Aadan.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026

Shariif Ibraahim Cabdullahi oo bixinaya darsiga la xiriira gudniinka ayaa sheegay in sharciga Islaamka uusan qabin gudniinka Fircooniga ah, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in looga deydo sida ay qabto Sunnada Nebigeena Muxamed N.N.K.H.

“Gudniinka waa labo, mid waa Sunno , midna waa Fircooni, midka Sunnada waxaa looga dayanayaa Nabiga N.N.K.H, imaa kan kale, waa dhaqankii Fircoon, oo markii uu gumeysanayay Reer Banii Isra’il Gabdhaha u gudi jiray si aan aheyn Sunnada Rasuulka”ayuu yiri Shariif Ibraahim.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Macalin Cali Aadan Caddow oo furay tababarka ayaa ku booriyay Culimada in si hufan ay kaga doodaan, waxa uu Islaamka ka qabo Gudniinka Fircooniga ah, iyada oo dooda waxa kasoo baxa lagu saleynayo waxa ay Diinteena ka qabto.

“Waa siminaar loogu tala galay waxa uu yahay Gudniinka, ma jiraa mise ma jiro, muxuuse yahay Fircooniga ah, Diin ayaan leenahay Diinteena waa Islaamka, sida awgeed waxaa waajib ah inaan ku dhaqano Diinteena, marka ujeedadu waxa ay tahay waxa ay Diinteena ka qabto, Culimada ayaan ka dooneynaa inay ka doodaan oo ay kasoo saaraan wax la isku raacsan yahay, Wasaaradda siyaasad ahaan iyo Diin ahaan waajib ayaa ka saaran arrintan, iyada oo kaashaneysa Culimada” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa dhowr jeer oo hore qabatay barnaamijyo Ummadda looga wacyi galinayo Gudniinka Fircooniga ah, oo ka sakoow shareecadda Islaamka uusan qabin qanuunka Dowladda iyo midka Caalamiga ah.

DSC01068 DSC01072 DSC01074 DSC01076 DSC01078 DSC01081 DSC01083 DSC01085 DSC01086 DSC01087 DSC01088 DSC01090 DSC01091 DSC01096 DSC01102 DSC01103 DSC01106 DSC01107 DSC01114

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaannada oo su’aallo weydiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Xildhibaannada oo su’aallo weydiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In