Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada oo su’aallo weydiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 9, 2015
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in u yeerista Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay u cuskadeen qodobka 69aad ee Dastuurka Dalka iyo qodobka 72aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Sacabka, isla markaana u jeedku yahay in Wasiirka su’aallo laga weeydiiyo arrimaha Waxbarashada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Khadra Bashiir Cali oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa uga mahad celisay Baarlamaanka u yeerista oo muujineysa isla xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha Dowladda, waxaana ay Baarlamaanka faah faahin ka siisay waxyaabaha Wasaaradda u qabsoomay mudada Lixda bilood ah ee ay heyso xilka Wasaaradda, Baarlamaanka ayeyna weeydiisatay iney dejiyaan sharci mamnuucaya in goobaha waxbarashada oo ay ugu horeeyaan iskuullada la deegaameysto.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay iney Wasiirka Waxbarashada weeydiiyaan su’aallo, waxaana su’aallaha Xildhibaannada ka mid ahaa:- hirgelinta barnaamijka aada dugsiyada (Go to school) sida loo maamulo deeqaha waxbarasho, qaadista imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare, bixinta shahaadooyinka, tababarrada macalimiinta, qorshaha Wasaaradda 2015-2016, sameyna sharciyada waxbarasho iyo in gobollada dalka lagu baahiyo adeegyada Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Khadra Bashiir Cali oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabtay su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa xustay in deeqaha Waxbarasho ay Wasaaraddu si siman ugu qeybisay gobollada Dalka, ayadoo taasina lala kaashaday maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana sidoo kale ay si gaar ah faah faahin uga bixisay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan ardayda aanan gelin imtixaankii dugsiyada sare.

32 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa isku qoray iney su’aallo weeydiiyaan Wasiirka Waxbarashada, kaliya 7 Xildhibaan ayaa su’aallo weeydiiyey maanta, waxaana haray oo su’aallahooda dib loogu dhigay maalinnimada beritto ah 25 Xildhibaan, geesta kalena waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka loo qeybiyey maanta mooshin ay Xildhibaanno ku dalbanayaan in wax lagaga bedello Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Previous Post

Culimaa’udiinka oo ka hadlaya waxa ay diinta Islaamku ka qabto gudniinka Fircooniga “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Baydhabo ka furay shir lagu soo xulayo Wakiilada Koonfur Galbeed

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

Wasiirka arrimaha gudaha oo Baydhabo ka furay shir lagu soo xulayo Wakiilada Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In