Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool South Africa oo shir muhiim ah uga furmay Johannesburg “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Culimada Soomaaliyeed ee ku nool South Africa oo shir muhiim ah uga furmay Johannesburg “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka 15 aad ee golaha Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa ee magacoodu yahay Al-Bayaan oo inta badan gacanta ku heysta goobaha waxbarashada iyo Masaajidda Soomaalida ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Johannesburg, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee hey’adda oo ka kala yimid gudaha dalka South Africa.

“Shirkaan waaa shirkii 15 aad ee la qabto, ajandaha waaa badan yahay waaa kuwa idin horyaala sidaas ayuu ku socon doona labada maalin ee uu socdo waxaana laga doodaya arimo dhowr ah” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Hey’ada Culimada Al-bayaan Axmed Cabdi “Axmed Dheere” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Ajandayaal badan ayaa sanadkaan horyaala culimada oo ay ka doodayaan isla markaana la doonayo in wax laga qabto iyo kuwii sanadkii hore la qorsheeyay ee soo laabtay, waxaana ka mid ah Arimaha waxbarashada, dhallinyarada, wacyigalinta bulshada, muslimiinta cusub iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.

“Ujeeda kulankaan loo qabto waa mid ku qotonta arrimaha muhimka u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaan South Africa, waxaa laga doodaya qodobada loo baahan yahay in wax laga qabto iyo kuwii sanadkii hore nagu soo laabtay” Sheekh Xasan Guurre Hogaanka guud ee hey’ada Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa Al bayaan.

Sanad walba ayaa kulankaan lagu qabtaa midka mid ah magaalooyinka dalka South Africa waxaana culimada ay inta badan diiradda ku saaraan kulmadaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa gaar ahaan wacyigalinta diiniga.

Cabdullaahi Qorshe Koonfur Afrika 

Previous Post

Isbadal laga dareemayo wax soo saarka dalagyada beeraha “Dhageyso”

Next Post

Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka-Sawirro

Next Post
Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka-Sawirro

Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka-Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In