Ciidankii ugu dambeeyay ee Mareykan ayaa ka baxay saldhigga Bagram ee Afghanistan, halkaas oo muddo 20 sano ah ay kula dagaalamayeen mintidiinta Daalibaan iyo Al Qaacida.
Madaxweyne Joe Biden ayaa markii uu yimid xafiiska ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay gabi ahaanba Afghanistan ka bixi doonaan ugu dambeyn 11-ka bisha September ee sanadkan, taasi oo ku began sannad-guuradii ka soo wareegtay weeraradii 2001 ka dhacay dalkaas, oo ay ku dhinteen ku dhowaad 3,000 oo ruux.
Isbaheysi uu Mareykanku hogaaminayo ayaa duulaan ku qaaday Afghanistan dabayaaqadii sanadkii 2001-dii si ay meesha ugu saran Daalibaan iyo Al Qaacida.
Mareykanku ayaa hadda doonayaa inuu soo afjaro dagaalladii ugu dheeraa ee ciidamadiisa ay ka galaan meel ka baxsan dalkiisa, iyadoo ay ka soo gaartay qasaaro badan oo xagga ciidamada ah, isaga oo amniga ku wareejinaya Ciidamada dowladda Afghanistan.
Saldhigga Bagram ee ay maanta ka baxeen Ciidamada Mareykanka oo ah garoon diyaaradeed ayaa horay u ahaa Xarun Militiri oo ay lahayeen ciidamadii Midowga Soofiyeeti.