Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo cusub oo ciidanka xoogga dalka kamid ah Baydhabo Tababar loogu soo xiray

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
January 8, 2020
in Wararka
0
Cutubyo cusub oo ciidanka xoogga dalka kamid ah Baydhabo Tababar loogu soo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Qeybta 60-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka oo mudo 2 bil ah tababar uga socday Dugsiga Tababarka ciidanka Dowlada Ingiriiska ay kuleedahay Baydhabo.

Waxaa tababarkan mudada uu socday bixinayay Sarakiil katirsan ciidanka Dowladda Ingiriiska, Ciidankan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan howlgaladda lagu xaqiijinayo Amniga dalka gaar ahaan goboladda Koonfur Galbeed oohHaatan Wadooyinkooda ay go’doomiyeen Maleshiyada Alshabaab.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, Tamarta iyo Biyaha Sarakiisha ciidanka Booliska Mileteriga iyo Marti Sharaf kale.

Cutubyadan Maanta Tababarka loo soo xiray ayaa soo Bandhigay habka loo fuliyo howlgaladda iyo sida la’isaga difaaco weeraradda gaadmada ah.

Taliyaha qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Madaxda Safaaradda Dowlada Ingiriiska ay ku leedahay Soomaaliya, sida marwaliba ay u garab taagan yihiin Dowladda Somaaliya.

Ciidanka ayuu kula dardaarmay in tababarka ay qaateen inay gaarsiiyaan ciidank kale aanan fursadan u helin.

Previous Post

Aabe iyo laba Carruur ah oo uu dhalay oo dab ku geeriyoodey

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Xaliimo Yarey oo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka “Sawirro”

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Xaliimo Yarey oo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka "Sawirro"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In