Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska ee Danab oo tababbar loo soo xiray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 20, 2016
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska ee Danab oo tababbar loo soo xiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta tababbar ugu soo xiray garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandooska ah ee Danab.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed markii uu tegay garoonka Bali-doogle waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Ciidanka Kumaandooska ee tababbarka u socday muddo shan bil ah ayaa ku saabsanaa kor u qaadidda xeeladooda ku aadan difaaca dalka iyo sidii guud ahaan ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagixisada Al-Shabaab, iyadoo tababbarka ay bixinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo tababbara u soo xiray ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa ugu horeyn saraakiisha tababbarka bixineysay uga mahadceliyay sida ay gacan uga geysanayaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, waxaana uu ciidamada kumaandooska kual dar daarmay inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa xusay in dhismaha ciidanka ay qeyb weyn ka tahay tiirarka uu Qaranku ku faano, isla markaana uu dhiirigelinayo tallaabo kasta oo lagu horumarinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidanka kumaandooska ah ee Danab ayaa goobta ku soo bandhigay dhoolatus militeri, iyagoo si aad u qalabeysnaa, taasi oo uu si weyn ugu riyaaqay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishii la socotay.

Ciidamada maanta tababbarka loo soo xerey ayaa waxa ay ka qeyb qadaan donaan howlgalka lagula dagaalamayo maleyshiyada haraadiga ee al-shabaab.

DSC00063 DSC00065 DSC00066 DSC00069 DSC00073 DSC00074 DSC00075 DSC00077 DSC00085 DSC00086 DSC00087 DSC00089 DSC00090 DSC00101 DSC00109 DSC00112 DSC00118 DSC00122 DSC00127 DSC00132 DSC00135 DSC00153 DSC00155 DSC00156 DSC00157 DSC00159  DSC00162 DSC00163 DSC00164 DSC00165 DSC00166 DSC00167 DSC00168 DSC00169

Sawir Qaad: Maxamed Xasan Cali National

Previous Post

Wasiirka Awqaafta oo Imaamyada Masaajidda ugu baaqay in Jimcaha ay oogaan salaad roob doon ah

Next Post

Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida oo xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Marxuum Hindiya

Next Post
Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida oo xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Marxuum Hindiya

Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida oo xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Marxuum Hindiya

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In