Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo: Maamulka Dhuusamareeb oo ka warbixiyey dagaalkii maanta

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Daawo: Maamulka Dhuusamareeb oo ka warbixiyey dagaalkii maanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa caawa Maqribkii soo gaaray dagaal qaatay 13 saacadood oo waaberigii hore ee jimcihii saakay ka bilowday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Saraalkiishii hoggaaminaysay ciidamada dowladda ee maanta Dhuusamareeb ka dagaalamay ayaa noo xaqiijiyey in hadda lasoo gabagabeeyey dagaalka oo magaalada laga saaray ciidamadii Ahlu-Sunna.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gor Gor ayaa galabta si nabad ah kula wareegay degaanka Bohol oo ciidanka Ahlu-Sunna ay ka soo duuleen shalay galab.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, oo warbaahinta la hadlay sheegay in magaaladu ay nabad tahay, dadkii ka qaxayna ay ku soo laaba karaan, maadaama ay ciidamada dowladda, si buuxda gacanta ugu hayaan.

Sidoo kale guddoomiyaha oo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ayaa sheegay in guddi soo baara ay u xil-saari doonaan, oo dib ay kasoo shaaci doonaan xogta khasaaraha oo dhameystiran.

Ciidamadii Dhuusamareeb soo weeraray ee Ahlu-Sunna ayaa labo jiho galabta uga baxay magaalada, kadib markii looga tag roonaaday dagaalka, waxayna u bixeen dhanka bari iyo galbeedka magaalada, waana labadii jiho ee markii hore ay kasoo weerareen.

Saraakiisha aan la hadalnay waxay noo sheegeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal ay ka furteen kooxda, isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan, sidoo kalena ay faahfaahin buuxda ka bixi doonaan dagaalkii maanta.

Waxaa jira khasaare xoog leh oo dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanyeed leh, balse ilaa hadda ma jirto koob rasmi ah oo la sameeyey, waxaana magaalada horay uga cararay inta badan dadkii ku noolaa oo habeenadii lasoo dhaafay digniino hor dhac ah ka helay xooggaga Ahlu-Sunna.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/0O5EXol2W8Y?t=1

Previous Post

Hey’adda CARE oo sheegtay abaaraha dalka ka jira in ay saameeyeen Waxbarashada

Next Post

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026
0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud...

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

June 20, 2026
0

Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, kuwaas oo ka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In