Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciid-ul-fitriga u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda.

“Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka,  waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Madaxweynaha JFS, ayaa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan Kooxda Nabad diidka ah Alshabaab oo uu sheegay inay yihiin Koox caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidamada qalabka sida, Ciidanka Xasilinta oo habeen iyo maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen Qolooyinkaan Hororka ah oo caadeystay inay Qaraxyo ka geeystaan magaaladda Muqdisho oo ay ku laayaan Shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumar” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta Ciidanka Xasilinta, waxaana uu xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa Ammaan iyo Xasilooni.

“waxaan u mahad celinayaa Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyey Ciidamada Xasilinta oo u dul qaatay Culeysyada uga yimid isu-socdka magaaladda, waxay Dawladda ka shaqeyneysaa siddii magaaladaan ay ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo Xasilooni, waa loo baahan yahay wada-shaqeynta Ciidamada qalabka sida iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga digay Argagixisada Nabad diidka ah inay joojiyaan dhibka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaggoo carabaabay in Dawladda ay ka shaqeyn doonto siddii ay uga horgi laheyd falalka argagixisinimada leh ee Kooxda Alshabaab ay geeystaan.

“Waxaan uga dagayaa Qolooyinkaan argagixisada Nabad diidka ah oo caadeystay inay daadiyaan oo ay qubaan dhiigga Shacabka Soomaaliyeed oo Islaamka ah, inay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay Shacabka ku hayaan, Waxay Dawladda ka shaqeyneysaa  siddii ay ugu hortagi laheyd falalkaas argagixisinimada leh, ayna ku yareen laheyd dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya Argagixisada” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

Ugu Dambeyn Madaxweyne Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in laga wada shaqeeyo Nabadda , ayna isku xariistaan, Maalinta Ciidda ahna ay kuwada Ciiddaan  Jawi wanaagsan oo farxad leh.

“ Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ku boorinayaa in laga wada shaqeeyo Nabadda,  in la isku naxariisto, in la is gargaaro, in lagu wada Ciido Jawi wanaagsan oo farxad leh, Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Halkan hoose ka daawo

https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/1743397689078035/

 

Previous Post

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga

Next Post

Mogadishu Mayor Orders Vacation of Jenyo Stadium and Lands of General Interest

Next Post
Duqa Muqdisho oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo & goobaha danta guud “SAWIRRO”

Mogadishu Mayor Orders Vacation of Jenyo Stadium and Lands of General Interest

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In