Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo taageeray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo taageeray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka ugu baaqay hirgelinta heshiiskii ay ku gaareen shirkii golaha wadatashiga qaranka.

Madaxweyne Farmaajo waxuu khudbadiisa ku qiray in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowalad goboleedyada ay masuul ka yihiin qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan khudbadiisa uga war-bixiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo uu sheegay inay ku dhisan tahay wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in midnimada iyo wadajirku ay fure u yihiin jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxuuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

Hoos ka daawo khudbadda

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Mareykanka oo wiil Soomaali ah u magacaabay la-taliye sare

Next Post
Madaxweynaha Mareykanka oo wiil Soomaali ah u magacaabay la-taliye sare

Madaxweynaha Mareykanka oo wiil Soomaali ah u magacaabay la-taliye sare

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya...

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

January 22, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowladda Jubbaland ayaa si buuxda u soo afjaray maleeshiyaad ka tirsan...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In