Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

DAAWO: Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiin kale oo la afuray ciidamada ku guda jira xasilinta caasimadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Xulashada
0
DAAWO: Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiin kale oo la afuray ciidamada ku guda jira xasilinta caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay weliyaan Wasiirka Amniga,Wasiirka dhallinyarada, guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa galabta kula afuray qaar ka mid ah dawooyin Caasimadda ciidanka ku guda jira  xalisinta Muqdisho, si ay ugu dhiiri geliyaan howsha Wanaagsan ee ay u hayaan isla markaana loogu muujiyo in Madaxda Dowladdu ay garab tagan yihiin.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa  samaysay Afurka, Wasiirka Amniga gudaha  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wadada ugu qaybinayey rashinka ka hor afurka dadka masaakiinta ah ee waddooyin qaar ku sugnaa.

 

Ra’iisul Waaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya  iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa si caadi ah ula afurayey askarta, iyagoo aad ugu faraxsanaa in ay arkaan madaxda dowladda oo  waddada hareeraheeda kula afuraya ciidamada.

 

Wasiirka dhallinyarada Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed  Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay  afurka caawa ay la furayaan Ciidanka Qaranka ay qayb ka tahay amarka Ra’iisul wasaraha ee ku aadan dhiiri gelinta Ciidanka.

 

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya oo la hadlay askartii uu la afuray ayaa  tilmaamay  in Xukuumadda ay ka go’an tahay dhiiri gelinta iyo sare uqaadidda muraalka ciidanka,  si loogu guuleyso xasilinta Amniga Dalka, gaar ahaan Muqdisho.

 

Intaa kadib ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay socod dheer oo lug ah ku  ka soo mareen   Wadada taleex ee Degmada Hodan, iyagoo ku tagay  Hotel Jaseera  ee Degmadda Wadajir  iyo qeybo ka mid ah degmada  Waabari, waxa ayna u kuur galayeen sida uu socda howlgalka ciidanka ay ku xasilinayaan Muqdisho, iyagoo Dadka ku ganacsanayey laamiga way diinayey Xaaladda amni.

 

Ra’iisul wasaraha ayaa Hotelada ku yalla Muqdisho Kula shaah cabay  muwadiin Soomaaliyeed oo halkasi ku sugnaa, iyagoo  farayey in ay la shaqeeyaan Dowladda ayna soo gudbiyaan talooyinka ku aadan dhismaha dowladdnimada Soomaaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka oo dhameystiran

Previous Post

Fursad Shaqo

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Agaasinka Iskaashiga Caalamiga dib ugala wareegtay Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Agaasinka Iskaashiga Caalamiga dib ugala wareegtay Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Agaasinka Iskaashiga Caalamiga dib ugala wareegtay Wasaaradda Qorsheynta "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In