Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Furay Shirka Isimada Puntland”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Furay  Shirka Isimada Puntland”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 July 2017 magaalada Garoowe gaar ahaan Hotel Garand kaga qayb galay shirka Isimada Puntland ee xalinta tabashada beesha Tanade Daarood ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

Shirkani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka  Puntland  Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiiradda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtoyada Puntland, Isimadda Puntland, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay muhiimadda shirkani ayaa tilmaamay inuu yahay mid ka turjumaya wax wadda lahaan shaha shacabka Reer Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in loobaahan yahay in Maamulku sanadkiiba mar isugu yeedho isimada, si ay uga arrin sadaan xaaladda dalka,  fekerna ugu darsadaan masiirka wadaninimo iyo kan horumarineedba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Isimada xasuusiyey  in aasaaskii Puntland iyo  jiritaanka Puntlandba ay u ahaayeen hormuud, isla markaana ay weligood u ahaan doonaan, loona baahan yahay inay gartaan Isimadu musuuliyadda waaraysa ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba.

” Jiritaanka Puntland iyo aasaaskeediiba idinkaa saldhig u ahaa, idinkaa buldhig u ahaa inay Puntland  midnimadeedii sii sugnaato, is jacaylkii iyo mar xabayntii dadka Puntland ka dhexayseyna sii socdaan weli masuuliyadeedii idinkay idin saaran tahay, qofka siyaasiga ahi waana imaanayaa waana tegayaa, laakiin idinka masuuliyad kale oo aan dhammaanayn ayaa idin saaran ilaa aad ka god-gashaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey shacabka Puntland in maanta horumar lixaadle ka socdo dhammaan degaanada Puntland, kaasi oo salka ku haya kabidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in horumarku leeyahay wanaag iyo farxad, dhanka kalena uu leeyahay cadaw badan oo ka xun horumarkaaga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo cusboonaysiiyo axdigii lagu dhisay Puntland 1998-dii maadaama ay wax walba oo bini aadan samaysto u baahan yahay bid u cusboonaysiin ama dib u eegid, sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimada ay u leeyihiin beesha Tanade Darood jiraanka Puntland ayaa sheegay.

” waxaan rabaa in wax ka iraahdo in beeshani laba siyaaboodba Puntland muhiim ugu tahay, waxay muhiim ugu yihiin difaaca iyo jiritaanka Puntland, midnimadda Puntlandna muhiim ayay u yihiin, waxaa jirta haddaba tabasho, ka jirta matelaadda shacbiga ee Baarlamaanka, tabashadaasi muday soo jirtey, waana soo socotey, waxayna u baahan tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Previous Post

U qaabilsanaha Arrimaha Soomaaliya Filand ayaa la kulmay Soomaalida haysata Sharciyada Dalkaas

Next Post

SAWIRO” Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska”

Next Post
SAWIRO” Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska”

SAWIRO" Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In