Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Furay Shirka Isimada Puntland”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Furay  Shirka Isimada Puntland”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 July 2017 magaalada Garoowe gaar ahaan Hotel Garand kaga qayb galay shirka Isimada Puntland ee xalinta tabashada beesha Tanade Daarood ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

Shirkani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka  Puntland  Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiiradda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtoyada Puntland, Isimadda Puntland, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay muhiimadda shirkani ayaa tilmaamay inuu yahay mid ka turjumaya wax wadda lahaan shaha shacabka Reer Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in loobaahan yahay in Maamulku sanadkiiba mar isugu yeedho isimada, si ay uga arrin sadaan xaaladda dalka,  fekerna ugu darsadaan masiirka wadaninimo iyo kan horumarineedba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Isimada xasuusiyey  in aasaaskii Puntland iyo  jiritaanka Puntlandba ay u ahaayeen hormuud, isla markaana ay weligood u ahaan doonaan, loona baahan yahay inay gartaan Isimadu musuuliyadda waaraysa ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba.

” Jiritaanka Puntland iyo aasaaskeediiba idinkaa saldhig u ahaa, idinkaa buldhig u ahaa inay Puntland  midnimadeedii sii sugnaato, is jacaylkii iyo mar xabayntii dadka Puntland ka dhexayseyna sii socdaan weli masuuliyadeedii idinkay idin saaran tahay, qofka siyaasiga ahi waana imaanayaa waana tegayaa, laakiin idinka masuuliyad kale oo aan dhammaanayn ayaa idin saaran ilaa aad ka god-gashaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey shacabka Puntland in maanta horumar lixaadle ka socdo dhammaan degaanada Puntland, kaasi oo salka ku haya kabidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in horumarku leeyahay wanaag iyo farxad, dhanka kalena uu leeyahay cadaw badan oo ka xun horumarkaaga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo cusboonaysiiyo axdigii lagu dhisay Puntland 1998-dii maadaama ay wax walba oo bini aadan samaysto u baahan yahay bid u cusboonaysiin ama dib u eegid, sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimada ay u leeyihiin beesha Tanade Darood jiraanka Puntland ayaa sheegay.

” waxaan rabaa in wax ka iraahdo in beeshani laba siyaaboodba Puntland muhiim ugu tahay, waxay muhiim ugu yihiin difaaca iyo jiritaanka Puntland, midnimadda Puntlandna muhiim ayay u yihiin, waxaa jirta haddaba tabasho, ka jirta matelaadda shacbiga ee Baarlamaanka, tabashadaasi muday soo jirtey, waana soo socotey, waxayna u baahan tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Previous Post

U qaabilsanaha Arrimaha Soomaaliya Filand ayaa la kulmay Soomaalida haysata Sharciyada Dalkaas

Next Post

SAWIRO” Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska”

Next Post
SAWIRO” Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska”

SAWIRO" Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In