Tobanaan kun oo kamid ah dadka wadan Iceland ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Reykjavík si ay u soo dhoweeyaan xulka qaranka ee kubadda cagta oo ka soo laabtay tartanka Euro2016 oo lagu qabtay dalka France kaas oo ay rubuc dhammaadkii ka gaareen.
Ciyaartoyda ayaa la saaray bas weyn oo dusha ka furan kaas oo lagu dhex waday waddooyinka magaalada caasimadda ah, iyadoo hareerahiisa ay tubnaayeen dadweyne aad u badan oo lulayay calanka wadanka Iceland.
Wadanka Iceland ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalay tartankakan, kaas oo Axadii laga soo saaray markii dalka Frcance ay ugu badiyeen 5-1, waxaana uu yahay wadanka ugu yar ee qaaradda Yurub.
Tirada dadka wadanka Iceland ayaa gaaraysa 329,000, waxayna tartanka Euro 2016 ka reebeen xulka kubadda cagta ee England oo ah xululka waa weyn ee qaaradda Yurub ee dhanka kubadda cagta.
Xigasho: BBC iyo DAILY MAIL