Wafdigii uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta booqasho ku tagay qaar ka mid ah kulyadaha Jaamacadda ugu wayn ee lagu tababaro Ciidanka Booliska Suudaan taasoo kulyado kala duwan ku leh Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.
Sidoo kale Taliyaha ayaa booqasho ku tagay Hay’adda Tababarada Ciidanka Booliska Suudaan midaas oo raacsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda aan walaaha nahay ee Suudaan, waxaa oo kale booqasho ku tagay xarunta wayn ee keydka u ah Booliska Suudaan
Taliyaha ayaa booqday kulyadda Cilmiga Booliska iyo Qaanuun ee raacsan Jaamacadda Ribaad ayaa halkaas kula kulmay madaxda kulyadaas iyo Macalimiinteeda isaga oo soo indha indheeyay qaabka ay kulyadaas casharada u bixiso.
Waxa uuna salaan ka qaatay qaar ka mid ah cutubyada ciidanka Booliska Suudaan ee Jaamacadaas wax ku barta.
Dhankooda Ardayda wax ka barata kulyaddaas ayaa soo bandhigay qaabka ay wax u bartaan hadii ay ahaan lahayd dhanka kobcinta wacyigooda oo ay qaataan casharo cilmi ah iyo casharo dhanka jir dhiska ah, waxa ayna halkaas kusoo bandhigeen sida Askariga uu isku difaacayo marka uu dagaal ku jiro oo uusan hubaysneen iyo qaab lagdan ah oo ciidanku wafdiga ku tusinayeen waxii ay barteen.
Kulan uu la qaatay Taliye Xaamud Madaxda Jamacadaas ayaa waxa uu uga mahadnaqay qaabka wanaagsan ee usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa xiligan Suudaan booqanaya, sidoo kalena u sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay baahi wayn u qabaan tababaro joogto ah oo dhan walba ah.
Maamulka Jaamacadda ribaad ayaa dhankooda u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tababaro siiyaan ciidanka Booliska ee walaalahood Soomaaliyeed ayna gacmo furan kusoo dhaweenayaan.
Waxa ayna wafdiga halkaas lagu lagu gudoonsiiyay Bilad sharafeed lagu muujinayay qalbi furnaanta ay Shacabka Suudaan iyo Xukuumadiisa u haayaan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale wafdiga ayaa booqday Xarunta ugu wayn ee keydka u ah Ciidanka Booliska Suudaan, waxa ayna wafdiga oo horkacayo Taliye Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ay halkaas kusoo arkeen qaabka uu loo keediyo feelasha iyo sirta ciidanka Booliska ee loo baahan yahay in aysan marnaba lumin.
Taliyaha oo la kulmay Madaxda Xaruntaas ayaa u mahadnaqay qaabkii ay ugu soo dhaweeyeen xarunta iyo sida fiican ay ugu sharaxeen qaabka xaruntaas u shaqayso.
Wafdiga uu hogaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale booqday xarumo ciidanka lagu tababaro oo kala duwan kuwaas oo ku yaala qaarkood meelo magaalada Khartoum duleedkeeda ah iyo kuwa ku yaal gudaha Magaalada.
Wafdiga ayaana booqashadooda lagu wadaa in gabi ahaan soo gabagabeeyaan Maalinta Khamiista ah ee soo socota halkaas oo hishiisyo is afgarad ah kala saxiixan doonaan labada dhinac waa Madaxda Ciidnaka Booliska Soomaaliya iyo Suudaan.