Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta mudane Cabduqaadir Sheekh Ibraahim (Baqdaadi) oo howlo shaqo ku jooga Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Dalkaasi Dr. Mehmet Gormez. iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira labada wasaaradooda.
Kulanka ayaa wuxuu ahaa mid muhiim ah oo looga hadlay arimo muhiim ah, waxaana wafdiga la socda wasiirka ka mid ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta Sheekh Maxamed kheyrow, iyo agaasimaha waaxda diinta ee wasaaraadda Shiikh Cali Sh,Maxamud (sh cali dheere).