Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Soomaaliya,Mudane Siciid Xuseen Ciid oo maalmahaanba booqasho shaqo joogay Magaalada Khartoum ee Dalka Suudan ayaa booqday Wasaaradda Beeraha iyo Macdanta Dowladda Suudan.
Booqashada wasiirka , ayaa waxaa ku wehiey Lataliyaha Koowaad ee Safiirka Soomaliya u fadhiya Dalka Suudaan Ibraahim Guure isagoo la kulmay Madaxda Wasaaradda Beeraha iyo Macdanta Dowladda Suudaan,halkasoo warbixina ay ka siiyeen habka ay u shaqeyso Wasaardda wuxuuna Wasiirku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go,antahay in ay iskaashi dhinac walbo quseeyo ay la sameeyaan Dowladda Suudaan oo ka mid ah Dowladaha gabar istaag buuxda u muujiyay Soomaaliya Wasiirka ayaa lagu soo Wareejiyay dhamaan Qaybaha Wasaardda Beeraha iyo Macdanta Dowladda Suudaan .
Dhanka kale waxa uu booqday Wasiirka Xarunta ugu weyn e Warshadda soo saarta Digaaga oo ah mida ugu Weyn wadanka Suudaan oo la yiraahdo Miiko,halkaasina uu kulamo kula qaatey Madaxda Warshadaasi ,Wasiirka ayaa uga mahad celiyey soo dhaweyn diiran ay u sameeyeen Mas`uuliyiinta iyo madaxdii uu kula kulmay halkaasi.
booqashada ka dib Wasiirka ayaa shir ja,raaid qabtay o sheegay in Suudaan ay u tageen in ay sameeyaaan iskaashi e Dhanka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
Madaxda Soomaaliya ayaa heshiisyo dhanka Hormarka Dhaqaalaaha la gashey wadaamo badan si looga faaideysto Khayraadka Soomaaliya ,una maalgashtaan Soomaliyana waxa ay u furanyahay Wadamadda Carabta iyo Afrika oo Suudaan ay ka mid tahay waxay qeyb ka tahay wadamada uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo qoto dheer,ganacsatada Suudaan aan u sheego in ay maalgashi ka samaysan karaan Soomaaliya oo amaankeeda uu yahay xiligan yahay mid la isku haleyn karo ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid