Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

” Daawo Sawiradda” Hishiis ay kala saxiixdeen Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo laba Jaamacadood oo saldhigooda yahay South Africa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Heshiiskan ay kala saxiixdeen sedexda Jaamacadda Umadda iyo labada Jaamacadood ee yaalla Dalka K/Afrika ee kala ah Vaal iyo Vits ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,Safaaradda Soomaaliya ee Dalkani,Madax kasocotay labada Jaamacadood iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda,waxa uuna ka koobnaa Qodob muhiim ah waxaana ka mid ahaa qodobadaasi,

Isdhaafisiga Ardayda iyo Maclimiinta labda Dal,sameynta Cilmi barista,Siminaarro iyo tababarro joogta in ay labadan Jaamacadooda ka caawiyaan Jaamacadda Umadda tababarro la xiriira tiknoolijiyada waxaana heshiiskaasi u saxiixay Prof Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Gudoomiyaha Umadda,Cabdi Xalane Xirsi,Prof Mohamed Mullah Vimpo.

Saxiixayaasha heshiiskan ee labada Dal ayaa sheegay in heshiiskan ayaa sheegay inuu yahay mid taariikhi ah iyadoo Arday farabadan ka faa,ideysan doonaan.

Cabdi Xalane Xirsi Uqeysanaha Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika Waxbarashada iyo Dhaqanka ayaa sheegay in heshiiskan dhexmaray sedexda Jaamacadood in Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed laga taageero dhinacyo badan waxa uuna yiri” Heshiiska waxaa ka mid ahaa in Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed laga taageero in tiknooliyadda iyo kor u qaadida Jaamacadaas dhismaheeda waxaa ka mid ahaa in si wadajir ah baaritaan loogu sameeyo Dalka Soomaaliya,in Ardayga jooga Soomaaliya uu iska diiwaangaliyo Jaamacadahan,waxaa ka mid ahaa labada Jamaacadod iyagoo isku darsan inay codsi u dirsaan karaan si loo taageero Barnaamiyadooda”ayuu yiri.

 Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo heshiiskaasi goob joog ka ahaa ayaa isagane ka hadlay waxbarashada iyo qiimaha ay leedahay xilli uu qudbad ka jeedinayay kulan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka K/Afrika ku qabteen Magaalada Johannseburg”

“Waxaa jooga Madaxii Jaamacadda Umadda halkaan,waxaa uu u yimid in ay heshiis kala saxiixdaan Jaamacad ku taalla South Africa Arday iyo maclimiinta halkaan u imaan karaan tababarro la siin karo maclimiintooda tagi karaan Soomaaliya casharro ugu bixin karaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

 Heshiiskaan ayaa waxgal u ah Ardayda Soomaaliyeed ee Dalkeena wax ku baranaya iyadoo Jaamacadaha Dalka Koonfur Afrika ay la jaangqaadeen kuwa kale ee Caalamka ugu waaweyn.

  C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka Johannseburg,South Africa

IMG_2044 IMG_2067 IMG_2065 IMG_2063 IMG_2059 IMG_2058 IMG_2051 IMG_2039 IMG_2059 IMG_2057 IMG_2055 IMG_2049

Previous Post

Ururka Qurba-Joogta ee Caalamka oo markii ugu horeysay xafiis ka furtay Dalka Australia “Sawirro”

Next Post

Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya oo Bulshadda Soomaalida ugu Hambalyeeyey Bilowga Bisha Ramadaan 

Next Post
Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya oo Bulshadda Soomaalida ugu Hambalyeeyey Bilowga Bisha Ramadaan 

Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya oo Bulshadda Soomaalida ugu Hambalyeeyey Bilowga Bisha Ramadaan 

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In