Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo sawirrada: Arday ka qalin jebisay jaamacadda Jamhuuriya oo shahaaddooyin la guddoonsiiyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo sawirrada: Arday ka qalin jebisay jaamacadda Jamhuuriya oo shahaaddooyin la guddoonsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ballaaran oo shahaaddooyin lagu guddoonsiinayay arday baratay cilmiga dawada, kuwaasoo ka qalin jebiyay jaamacadda Jamhuuriya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xaflad ay ku qalin jabinayeen ku dhawaad 70 arday  oo dhameysatay wax barashada heerka dibloomada ee taqasuska cilmiga barashada  daawada oo ay bixiso  jaamacadda jamhuuriya ayaa waxaa  ka qeyb galay maamulka jaamacadda, macalimiin, waalidiin,  arday, iyo marti sharaf

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026

Inta  ay munaasabadda socotay ayaa looga hadlay faa’iidooyinka  uu ummadda Soomaaliyeed u leeyahay barashada cilmiga daawada  iyo baahida loo qabo in la helo dhalinyaro  baratay cilmigaas.

Macalimiintii iyo marti sharaftii  ka hadashay munaasabadda ayaa ardayda ku boorrisay in ay waxbarashada sii wadaan  islamarkaana ay bulshada uga faa’ideeyaan cilmiga ay barteen.

Qaar ka mid ah ardaydii ka  qalin jabisay  jaamacadda oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin barashada maaddada cilmiga dawada oo ay ka qalin jibiyeen, iyagoo ku amaanay maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Jamhuuriya dhiiri gelintooda wanaagsan oo ay la garab taagnaayeen muddadii ay wax barashada ku jireen.

Madaxa jaamacadaha ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare mudane  Bashiir Maxamuud Jimcaale  oo dhankiisa munaasabadda ka hadlay  ayaa arday ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen, isagoo ku boorriyay iney si kordhiyaan waxbarashada si ay ummaddooda ugu faa’iideeyaan.

Gudoomiyaha jaamcadda jamhuuriya Prof Maxamuud  Axmed Jimcaale oo munaasabadda soo xiray aya ardayda kula dardaarmay in ay saameyn ku yeeshaan xaaladaha caafimaad ee wadanka  ka jira iyagoo maanka ku haya baahida ay ummadda Soomaaliyeed u qabto helidda aqoonyahanno wax u soo bartay dalkooda iyo dadkooda.

Gabagabadii munaasabadda ayaa ardayda waxaa la doonsiiyay    shahaaddooyin iyo abaalmarinno ka tujumaya cilmiga ay soo barteen.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed

unnamed (1) unnamed (1) unnamed (2) unnamed (10) unnamed unnamed

Sawir qaade: Maxamed Ibraahim Raage “Honest”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Next Post

Dowlad Goboleedka Galmudug oo maamul cusub u magacaabay Balanbal “Akhriso”

Next Post
Dowlad Goboleedka Galmudug oo maamul cusub u magacaabay Balanbal “Akhriso”

Dowlad Goboleedka Galmudug oo maamul cusub u magacaabay Balanbal "Akhriso"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In