Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeeaha Dhaxe oo martigelineysa shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa muooyinkii dambe ku tilaabsaneysay horumarro isugu jira dhinacyada dhismaha, bilicda iyo arrimaha bulshada bulshada.
Sidoo kale Magaalada Jowhar waxaa iminka ka socda dhismayaasha guryo cusub, waxaana ganacsiga magaaada ka jira uu noqday mid horukac sii sameenaya, iayadoo lagu soo kordhiyay goobo ganacsi oo casri ah.
Ammaanka iyo bilicda magaalada ayaa sare loo qaaday, iyadoo dhalinyarada nabada Jecel ay inta badana ku mashquulsan waxbarasho iyo ciyaaraha taasoo qeyb ka qaadan karta isdhexgaaka bulshada iyo nabadgelyada.