Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada:- Dibad bax looga soo horjeeday Shabaab oo maanta ka dhacay Cadaado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada:- Dibad bax looga soo horjeeday Shabaab oo maanta ka dhacay Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax ballaaran 00 looga soo horjeeday kooxda Shabaab islamarkaana ay ka qeybgaleen boqollaal dadweyne ah ayaa maanta lagu qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadka dibadbaxa sameeynayay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ka dhan ah kooxda Shabaab, iyagoo ku qeylinayeen ereyo ay diiddanyihiin argagixisada Shabaab ayeey socod ku soo mareen waddooyinka magaalada Cadaado.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Dhanka kale dibadbaxa ayaa lagu taageerayay guulaha  ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug ka gaareen dagaalkii ay dhawaan Al-shabaab uga saareen deegaanka Camaara.

Isu soo baxa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka mid ah dowlada goboleedka Galmudug oo isugu jirtay Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug, Taliyaha Qeybta 21- aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha ciidamada booliska degmada Cadaado,mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Cadaado, waxgaradka Degmada, iyo ururka bulshada.

 

Abaanduulka Qeybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka Gashanle Sare C/laahi Aadan Cisman Ciro oo dibad baxayaasha la hadlay ayaa  sheegay in guulahaasi ay ciidamadu ku gaareen taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxan u hambalyayneeynaa Ciidamada Galmudug iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Galmudug guulaha ay ka gaareen Cadowga Umadda Soomaliyeed ee UGUS,Waxaana rajeynaynaa wanaaga ay gaareen hadaan shacabka garabsiin inaaney gaareen waxayna kalsoonidaas ka heleen shacabkooda idinkana waan idinkaga mahad celinaynaa”ayuu yiri Taliye Cirro.

Xildhibaanad Maryan Cali Abti doon oo ka mid ah xildhibanada Galmudug oo hadal kooban ka jeedisay dibad baxa ayaa waxay ciidamada ugu hambalyeysay guulaha ay ka gaareen la dagaallanka Shabaab.

“Waxan Rabaa halkaan inaan ka taageero Dagaalkii ba’naa ee faraha loo gubtay ee ka dhacay deegaanka Camaara guushii ay ka gaareen Ciidamadeena Galmudug,waxan leeyahay jira oo jooga,cadow kastana waxan diyaar u nahay haween iyo ragba inan iska difaacno”.

Wasiiru dowladha wasaaradda arrinimaha gudaha dowlad gobaleedka Galmudug Cumar Guureeye oo isna dibad baxayaasha la hadlay ayaa waxa uu balan qaaday in ay la wareegi doonaan deegannada fara ku tiriska ah ee ay wali haraadiga Al-shabab uga suganyihiin gobolka Galgaduud.

“Sida runta ah Ciidamada Galmudug waxay soo hoyeen guul taariiqi ah ka dib markii degmooyin iyo magaalooyin ka tirsan galmudug oo horay aan ugu sugnayn kooxahaas qaswadayaasha ah ay kusoo xad gudbeen oo ay kusoo duuleen sida kartida iyo qiimaha leh oo ay uga sifeeyeen dibna ay ugu soo celiyeen gacanta dowlada.Waxan rajeynaynaa inay deegaanadaGalmudug ay dib u heli doonaan dhamaan deegaanada dhiman”.

 

Dibad baxan ayaa u muuqda in lagu dhiirrigelinayo ciidamada XDS iyok kuwa maamul goboleedka Galmudug ee howlgallada ka dhanka ah Shabaab ka wada deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud.

DSC03568 DSC03574 DSC03582 DSC03583 DSC03587 DSC03619 DSC03654 DSC03688 DSC03718

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Cilmi baaris ku saabsan tacadiyadaha haweenka loo geysto oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

Next Post
Cilmi baaris ku saabsan tacadiyadaha haweenka loo geysto oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

Cilmi baaris ku saabsan tacadiyadaha haweenka loo geysto oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In