Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada:- Dibad bax looga soo horjeeday Shabaab oo maanta ka dhacay Cadaado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada:- Dibad bax looga soo horjeeday Shabaab oo maanta ka dhacay Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax ballaaran 00 looga soo horjeeday kooxda Shabaab islamarkaana ay ka qeybgaleen boqollaal dadweyne ah ayaa maanta lagu qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadka dibadbaxa sameeynayay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ka dhan ah kooxda Shabaab, iyagoo ku qeylinayeen ereyo ay diiddanyihiin argagixisada Shabaab ayeey socod ku soo mareen waddooyinka magaalada Cadaado.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Dhanka kale dibadbaxa ayaa lagu taageerayay guulaha  ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug ka gaareen dagaalkii ay dhawaan Al-shabaab uga saareen deegaanka Camaara.

Isu soo baxa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka mid ah dowlada goboleedka Galmudug oo isugu jirtay Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug, Taliyaha Qeybta 21- aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha ciidamada booliska degmada Cadaado,mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Cadaado, waxgaradka Degmada, iyo ururka bulshada.

 

Abaanduulka Qeybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka Gashanle Sare C/laahi Aadan Cisman Ciro oo dibad baxayaasha la hadlay ayaa  sheegay in guulahaasi ay ciidamadu ku gaareen taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxan u hambalyayneeynaa Ciidamada Galmudug iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Galmudug guulaha ay ka gaareen Cadowga Umadda Soomaliyeed ee UGUS,Waxaana rajeynaynaa wanaaga ay gaareen hadaan shacabka garabsiin inaaney gaareen waxayna kalsoonidaas ka heleen shacabkooda idinkana waan idinkaga mahad celinaynaa”ayuu yiri Taliye Cirro.

Xildhibaanad Maryan Cali Abti doon oo ka mid ah xildhibanada Galmudug oo hadal kooban ka jeedisay dibad baxa ayaa waxay ciidamada ugu hambalyeysay guulaha ay ka gaareen la dagaallanka Shabaab.

“Waxan Rabaa halkaan inaan ka taageero Dagaalkii ba’naa ee faraha loo gubtay ee ka dhacay deegaanka Camaara guushii ay ka gaareen Ciidamadeena Galmudug,waxan leeyahay jira oo jooga,cadow kastana waxan diyaar u nahay haween iyo ragba inan iska difaacno”.

Wasiiru dowladha wasaaradda arrinimaha gudaha dowlad gobaleedka Galmudug Cumar Guureeye oo isna dibad baxayaasha la hadlay ayaa waxa uu balan qaaday in ay la wareegi doonaan deegannada fara ku tiriska ah ee ay wali haraadiga Al-shabab uga suganyihiin gobolka Galgaduud.

“Sida runta ah Ciidamada Galmudug waxay soo hoyeen guul taariiqi ah ka dib markii degmooyin iyo magaalooyin ka tirsan galmudug oo horay aan ugu sugnayn kooxahaas qaswadayaasha ah ay kusoo xad gudbeen oo ay kusoo duuleen sida kartida iyo qiimaha leh oo ay uga sifeeyeen dibna ay ugu soo celiyeen gacanta dowlada.Waxan rajeynaynaa inay deegaanadaGalmudug ay dib u heli doonaan dhamaan deegaanada dhiman”.

 

Dibad baxan ayaa u muuqda in lagu dhiirrigelinayo ciidamada XDS iyok kuwa maamul goboleedka Galmudug ee howlgallada ka dhanka ah Shabaab ka wada deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud.

DSC03568 DSC03574 DSC03582 DSC03583 DSC03587 DSC03619 DSC03654 DSC03688 DSC03718

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Cilmi baaris ku saabsan tacadiyadaha haweenka loo geysto oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

Next Post
Cilmi baaris ku saabsan tacadiyadaha haweenka loo geysto oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

Cilmi baaris ku saabsan tacadiyadaha haweenka loo geysto oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In