Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa oo Xaflad mahadcelin ah u sameysay Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa oo Xaflad mahadcelin ah u sameysay Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad casho sharaf ah oo si weyn loo asgaasimay looguna mahadcelinayay Dowladda iyo shacabka Turkiga oo ay iska kaashadeen Jaaliyadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalkaasi.

Casho sharaftaan ay Jaaliyadda ku martiqaadday Safaaradda Turkiga ee K/Afrika ayaa ka soo qeybgalay Safiirka Turkiga u fadhiya  K/Afrika, Xoghayaha koowaad, Xoghaya labaad, iyo qaar diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Xaflada ayaa dhanka Dowladda Soomaaliya ugu qeybgalay Danjire Jamal Barrow iyo Diblomaasiiyinta Safaaradda, waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Johannseburg.

Intii ay socotay Xafladda ayaa qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida oo qudbado kala duwan ka jeediyeen waxa ay ka hadleen xiriirka walaahaha Turkiga iyo sida ay Soomaaliya mar walba ula garab taaganyihiin caawimaadda, iyagoo sidoo kale sheegay in Soomaali meel walba ay joogto ay ilaabi doonin abaalka Shacabka iyo Dowladda Turkiga u galeen xilli ay Soomaaliya u baahneed caawimaad. waxaana intii ay Xafladda socotay la soo bandhigay Fanaan Soomaaliyeed oo heeso gubaabo ah u qaaday Turkiga.

Safiirka Turkiga u fadhiya K/Afrika, Ambassador Elif Çomoğlu Ülgen oo Xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsanahay casha sharaftan ay u sameyeen Jaaliyadda Soomaalida ayadoo taasi ay ka dhigantahay walaaltinimada ka dhaxeeysa labada shacab.

“ Waxaan idinkaga mahadcelinayaa si qalbi furan  dhamaan fariimaha aad caawa ina soo gaarsiiseen waxaa sidoo kale aan ballanqaadayaa in aaan gaarsiiin doona shacabaka iyo Madaxweynaha Turiga,waxaana idin ballanqadayaa in mar walba ay walaalaha Turkiga idin garab taaganyihiin”ayay tiri Safiirka.

Sidoo kale Danjire Jamal Barrow ayaa isna dhankiisa sheegay in Turkiga uu mar walba caawimaad la garabtaaganyahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taasina ay taariikhda qori doonto,waxa uu tusaale u soo qaatay qaraxii 14 october in dhaawacii ugu badnaa loo qaaday Turkiga.

“ Muhiimadda casha sharaftan aan u sameynay ah ayaa ah u mahadcelin madaxda iyo shacabka Turkiga gurmadii ugu dambeyay ee deg degaa oo ay  u fidiyeen shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii argagixsada ee ugu dambeeyay bishii october ka dhacay Muqdisho waxeyna Turkiga ugu jawaabeen si deg deg in gurmad caafimaad loo fididyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Gabagabada Xafladda ayaa Danjire Jamal Barrow gudoonsiiyay Haddiyad ay Safaaradda Soomaaliya ugu talagashay Safiir  Elif Çomoğlu Ülgen, ayadoo ay Xafladda ku soo idlaatay jawi wanaagsan.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Maamulka G.Banaadir oo Casho sharaf u sameeyay guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti

Next Post

Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta

Next Post
Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa  adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta

Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In