Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa oo Xaflad mahadcelin ah u sameysay Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa oo Xaflad mahadcelin ah u sameysay Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad casho sharaf ah oo si weyn loo asgaasimay looguna mahadcelinayay Dowladda iyo shacabka Turkiga oo ay iska kaashadeen Jaaliyadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalkaasi.

Casho sharaftaan ay Jaaliyadda ku martiqaadday Safaaradda Turkiga ee K/Afrika ayaa ka soo qeybgalay Safiirka Turkiga u fadhiya  K/Afrika, Xoghayaha koowaad, Xoghaya labaad, iyo qaar diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xaflada ayaa dhanka Dowladda Soomaaliya ugu qeybgalay Danjire Jamal Barrow iyo Diblomaasiiyinta Safaaradda, waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Johannseburg.

Intii ay socotay Xafladda ayaa qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida oo qudbado kala duwan ka jeediyeen waxa ay ka hadleen xiriirka walaahaha Turkiga iyo sida ay Soomaaliya mar walba ula garab taaganyihiin caawimaadda, iyagoo sidoo kale sheegay in Soomaali meel walba ay joogto ay ilaabi doonin abaalka Shacabka iyo Dowladda Turkiga u galeen xilli ay Soomaaliya u baahneed caawimaad. waxaana intii ay Xafladda socotay la soo bandhigay Fanaan Soomaaliyeed oo heeso gubaabo ah u qaaday Turkiga.

Safiirka Turkiga u fadhiya K/Afrika, Ambassador Elif Çomoğlu Ülgen oo Xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsanahay casha sharaftan ay u sameyeen Jaaliyadda Soomaalida ayadoo taasi ay ka dhigantahay walaaltinimada ka dhaxeeysa labada shacab.

“ Waxaan idinkaga mahadcelinayaa si qalbi furan  dhamaan fariimaha aad caawa ina soo gaarsiiseen waxaa sidoo kale aan ballanqaadayaa in aaan gaarsiiin doona shacabaka iyo Madaxweynaha Turiga,waxaana idin ballanqadayaa in mar walba ay walaalaha Turkiga idin garab taaganyihiin”ayay tiri Safiirka.

Sidoo kale Danjire Jamal Barrow ayaa isna dhankiisa sheegay in Turkiga uu mar walba caawimaad la garabtaaganyahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taasina ay taariikhda qori doonto,waxa uu tusaale u soo qaatay qaraxii 14 october in dhaawacii ugu badnaa loo qaaday Turkiga.

“ Muhiimadda casha sharaftan aan u sameynay ah ayaa ah u mahadcelin madaxda iyo shacabka Turkiga gurmadii ugu dambeyay ee deg degaa oo ay  u fidiyeen shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii argagixsada ee ugu dambeeyay bishii october ka dhacay Muqdisho waxeyna Turkiga ugu jawaabeen si deg deg in gurmad caafimaad loo fididyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Gabagabada Xafladda ayaa Danjire Jamal Barrow gudoonsiiyay Haddiyad ay Safaaradda Soomaaliya ugu talagashay Safiir  Elif Çomoğlu Ülgen, ayadoo ay Xafladda ku soo idlaatay jawi wanaagsan.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Maamulka G.Banaadir oo Casho sharaf u sameeyay guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti

Next Post

Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta

Next Post
Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa  adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta

Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In