Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Barakatullah ee dalka India

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Barakatullah ee dalka India
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday magaalada Bhopal ee dalka India oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas oo uu madaxweynuhu kaga baxay machadka macalimiinta farsamada iyo cilmi baarista intii u dhaxeysay sanadihii 1986kii ilaa 1988kii waxaana uu  madaxweynuhu la kulmay maamulka iyo macalimiinta machadka uu muddada ardayga ka ahaa.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay jaamacadda Barakatullah University oo kutaala isla magaalada Bhopal iyadoo lagu gudoonsiiyay darajada Masterka oo uu ku sameeyay Technical Edication Course intii uu wax ka baranayay dalka India waxaana uu khudbadiisa uga hadlay waayihiisii ardaynimo ee Soomaaliya iyo dalal kale.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Madaxweynuhu waxa uu boqolaal arday ah iyo macaliinta sharaxaad dheer ka siiyay taariikhda Soomaaliya iyo xaaladda ay xiligan ku sugantahay si gaar ah dhibaatoyinkii ay soo martay iyo soo kabashadeeda,isagoo ku tilmaamay booqashada machadka iyo jaamacadda Barakatullah mid aan xusustiisa ka go,I doonin cod

“Kadib burburkii dowladii dhexe waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay jaamacadihii iyo dugsiyada waxbarashada iyo guud ahaanba hay,adihii dowladda,taasi waxa ay keentay in aanay jirin kadib 1991kii hal arday oo dugsi aada caasimadda iyo meelo kaleba dadku waxa ay ka hadlayeen oo kali ah meel ay uga badbaadaan dagaalada dhacayay oo ahaa kuwa aan diin ama wax kale ku saleysneyn hase ahaatee aaha dagaalo siyaasadeed

NGO yadii dalka ka howlgalayaya iyo macalimiin aan anigu ka mid ahay ayaa u istaagay sidii dugsiyada loogu celin lahaa ardayda Soomaaliyeed iyadoo hay,adaha qaar ay naga caawiyeen inay raashin siiyaan ardayda qaarkood qaar kamid ah agabka schooladana naga caawiyaan,taasi waxa ay keentay arday badan u darerto goobaha waxbaarshada hadda waxaa dalkeenu leeyahay jaamacado badan oo si gaar ah loo leeyahay dugsiyo iyo jaamacadda ummadda oo dib loosoo celiyaya islamarkaana ay wax ka bartaan xiligan 1,000 arday oo dhigta 7 kuliyadood waxaana qorshuhu yahay in sidoo kale dugsiyada dib loogu celiyo 1 milion oo arday ah 5 sano ee soo socot”

“Soomaaliya waxa ay hadda kasoo gudubtay marxaladii adkeyd waxa ay kala mid tahay aduunka in hay,ad kasta oo dowladeed am si gaar ah loo leeyahay ay ummadda u ehyso adeeg inkastoo weli lagu jiro dib u kabasho waxaase dowladuu dadaal ugu jirtaa sidii loo soo afjari lahaa argagaxisada oo aan kala mid nahay dalal badan oo afrika iyo aduunkaba kuyaala waxaase awooddou tahay xiligan mid aad u liidata oo waxa ay beegsadaan suuqayada,iyo goobaha shacabka maxaa yeelay awood uma lahan inay si toos ah wax u weeararaan” Ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud”

Madaxweyne xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khdubad ka jeediyay machadka macalimiinta farsamada iyo cilmi baarista oo lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya ardaynimadiisii iyo waayihiisii waxbarasho ee dalka india

qeybaha machadkaasi ka koobanyahay ayuu madaxweynuhu kusoo wareegay isagoo kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la qaatay macalimiintii wax soo baray iyo qaar kamid ah ardayda machadkaasi iyadoo intuu ku guda jiray booqashada gobolkana la gudoonsiiyay hadiyado kal duwan.

Duqa magaalada Bhopal ayaa qado sharaf madaxweynaha iyo xubnaha la socday  ugu sameeyay xarunta looga arimiyo maamul goboleedkaasi.

IB0A7234 IB0A7321 IB0A7322 IB0A7325 IB0A7329 IB0A7342 IB0A7353 IB0A7366 IB0A7382 IB0A7417 IB0A7420 IB0A7435 IB0A7482 IB0A7489 IB0A7549 IB0A7551 IB0A7552 IB0A7558 IB0A7579 IB0A7629 IB0A7638 IB0A7701 IB0A7724 IB0A7789 IB0A7801 IB0A7828 IB0A7830 IB0A7841 IB0A7849 IB0A7857 IB0A7860 IB0A7863 IB0A7865 IB0A7868 IB0A7886 IB0A7911 IB0A7918 IB0A7929 IB0A7933 IB0A7946 IB0A7987

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Weerarkii Hotel Saxafi oo la soo afjaray

Next Post
Weerarkii Hotel Saxafi oo la soo afjaray

Weerarkii Hotel Saxafi oo la soo afjaray

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In