Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamanka Galmudug oo ka qeybย galay Kulan dib u heshiisiin Beeleed ah oo ka Furmay Galkacyo.
Kulankan oo ahaa mid lagu heshiisiinayo beelo Soomaaliyeed oo muddoย ay ka dhax jirtay colaad sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedย ayaa ka furmay magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Furitaanka kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golahaย wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug xubno ka tirsanย ย mas’uuliyiintaย maamulka gobalka Mudug iyo kan dagmada Galkacyoย iyo waxgarad ka kala
socada dhinacyada ay colaadu ka dhax jirtay.
Kulanka oo loogu magacdaray heshiinta Galkacyo ayaa waxaa uguย horeeyn ka hadlay gudoomiye ku xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyaddaย gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar
“Maanta waxaan idinka codsanayaa in waxa loo fadhiyo aan meesha loogaย kicin oo la soo af jaro colaad iyo dhib danbe oo aan irada hotelkaanย aan lagala dagin” ayuu yiri
Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa ka hadlay qaar ka midaย nabadoonadii labada dhinac kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweeynayaanย in laga heshiiyo wixii horay u dhacay iyagoona balan qaaday in ay meel
marin doonaan qodabada ka soo baxa shirkaan oo lagu wado inuu socdoย muddo dhowr maalmood ah
Ugu danbeyna waxaa madasha furitaan shirkaan dib uheshiisiineed kaย hadlay wasiirka wasaarada Dastuurka iyo dib uheshiisiinta Dowladย Gobaleedka Galmudug Mudane Maxamed Cismaan Socadaal.
“Ujeedada halkaan aan isugu nimidna waa islaax baynu naas dowlada Galmudugย iyo ka waarad ahaana wasaarada dib uheshiinta hadafkeenuย wuxuu yahay heshiisiinta shacabkeena si ay nabad ugu noolaadaan ooย nabad markeey ku noolaadaana ay horumar u gudbaan shirkuna waa nooย furan yahay” ย sidaas waxaa yiri wasiirka wasaarada dastuurka iyo dibย u heshiinta Galmudug Maxamed Cismaan Socdaal.















