Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Mu’asasada Maka Almukarrama oo maanta furtay tartan aqooneed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Mu’asasada Maka Almukarrama oo maanta furtay tartan aqooneed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamuusayay furitaanka tartan aqooneedka dugsiyada sare ee mu’asasada Maka Almukarama ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladdi furitaanka tartanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta mu’asasada Makka Almukarama, madax ka socotay qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, waalidiin, macalimiin iyo arday farabadan oo ka kala socotay lixda dugsi ee ka qeybgaleysa tartankaasi.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Mas’uuliyiinti ka hadashay munaasabaddaasi ayaa si isla mid ah u qiray in tayada aqoonta ee dugsiyada hoos yimaada mu’asasada Maka ay sii kordheyso, iyagoo qiray in arrintaasina la ogaaday kaddib markii ardaydii ka baxday dugsiyadaasi ay kaalimaha hore ka galeen jaamacadaha dalka iyo kuwo dibadda ah.

Maamulaha dugisiga Jaabir Axmed Maxamed Shuuriye oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay qiimaha uu tartankani u leeyahay sare u qaadida garaadka aqoonta ee ardayda, sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay Ustaad Caraboow oo ka mid ah mas’uuliyiinta jaamacadda Capital oo ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay maamulka iyo macalimiinta soo agaasintay tartan aqooneedkan.

Madaxa waxbarashada ee mu’sasada Maka Ustaad Sanka oo halkaasi ka halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay ahmiyadda tartankan.

C/qaadir Maxamed Xasan oo ah gudoomiyaha tartanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in tartanku furmay maanta islamarkaana uu socondoono muddo  Afarbilood ah.

Tartankan oo ay ka qeybgalayaan arday ka socota lix dugsi sare oo hoos yimaada mu’asasada Maka,  ayaa ardayda ku guuleysta kaalinta koowaad waxay abaalmarin u helidoonaan lacag dhan Kun doolar, kaalinta labaadna, Lixboqol oo doolar halka kaalinta sadexaadna lagu abaalmarindoono Afarboqol oo doolar.

IMG_20170129_045617 IMG_20170129_045631 IMG_20170129_045720 IMG_20170129_045747 IMG_20170129_045757 IMG_20170129_045805 IMG_20170129_045819 IMG_20170129_045826 IMG_20170129_045839 IMG_20170129_045922 IMG_20170129_045934 IMG_20170129_045949 IMG_20170129_050119 IMG_20170129_050433 IMG_20170129_051009 IMG_20170129_051212 IMG_20170129_051229 IMG_20170129_053328 IMG_20170129_053348 IMG_20170129_053406 IMG_20170129_054012 IMG_20170129_055725 IMG_20170129_055730 IMG_20170129_055739 IMG_20170129_055811

Previous Post

Raiisal Wasaaraha dalka jarmalka oo booqasho ku tagtay Turkiga

Next Post

Todobo musharax oo maanta Baarlamaanka ka jeediyay waxyaabaha ay qabanaan marka ay guuleystaan

Next Post

Todobo musharax oo maanta Baarlamaanka ka jeediyay waxyaabaha ay qabanaan marka ay guuleystaan

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In