Waxaa garoonka kubada cagta ee ku yaala gudaha Jaamacadda Afrika isugu soo baxay Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum, si ay ugu soo tukadaan salaadda Ciidul Fitriga.
Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan gaar ahaan Caasimadda Khartuum ayaa salaadii ciidda ee maanta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula dukadeen gudaha garoonka Jaamaadda Afrika.
Salaadii Ciidda kaddib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Khartuumย isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, haween iyo carruur intooda badan ku lebisan dhar aad u qurxoon oo noocyo kala duwan leh, waxaane isugu hambalyeynayeen Munaasabadda ciidda.
Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Caasimadda Khartuum oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa hawada Salaan iyo Farxad u marsiiyay Ehaladooda iyo Qaraabadooda, iyagoona sido kale hambalyo iyo mahadcelin u diray Ciidamada Xasilanta Caasimadda oo ay sheegeen inay suura galiyeen in si nabad ah shacabka Soomaaliyeed ku dhameystaan Bishii Barakeysaneed ee Ramadaan,
Guud ahaan magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashada iyo dabaaldaga munaasabada ciida Fadriga iyadoone Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed wajiyadooda laga dheehan kari farxada munaasabada ciida.
Khartuum: Yuusuf Kashmiir