Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii labaatanaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Garoowe VS Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Garoowe VS Shibis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.
Garoowe
Tartameyaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal oo qura, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxaa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Shibis, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garoowe ay heleen waxay noqoneysaa afar (4) dhibcood.
Shibis
Tartamayaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal, waxa ay iska qaldeen lix su’aal, waxaana ay ka faa’iideysteen saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Garoowe, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Shibis ay noqotay sideed dhibcood (8) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.
Hadaba Habeen dambe hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka C/casiis Vs Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bay.
Maxamed Macalin Xasan “White-ka”