Munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii 71-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay taliska ciidankaasi ee magaalada Muqdisho.
Xaflada ayaa waxaa ka qayb galay ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baralamaanka federalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xubo ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyayaasha cidamada qalabka sida, iyo marti sharaf kale .
Munabadaasi intii ay soo cotay ayaa waxaa heeso iyo riwaayado ka tirjumaya wax qabadka cidanka boliska Soomliyeed ku soo ban dhigay hobollada fanka ee Heegan.
Taliyaha boliska gobalka banadir Gen. Maxemed Cumar Madaale oo ku hadlay xaflada ayaa ka hadlay wax yabahii u qabsoomay boliska Soomaaliyeed, isagoo dowladda Somalia ka dal baday in sare loo qaado tababaradda kor loogu qaado aqoonta ciidanka boliska .
Qaar ka mid ah Taliyaasha cidanka qalabka sida ee Soomliyeed oo ka hadalay xafladaasi ayaa hanbalyo u diray cidanka boliska, iyagoo ku amaanaay kalinta muhiimka ah oo ay kaga jiran difaac qaranka iyo sugidda ammaanka dalka.
Gudoomiyaha baralamanka ahna ahna ku simaha madax wyanaha jamuuridda federalka Soomaaliya mudane Maxamaeed Sh , Cisman Jawaari, oo ugu danbayntii ka hadlay munabadaasi ayaa sheegay in ciidanka booliska Soomaaliyeed ay yihiin hooyadda cidanka qalabka sida, isagoo xusay ineey ka soo baxeen booliiska saraakiil magac ku leh ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna hamabalyo iyo bogaadin u diray ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
“Jawaari” ayaa ku dhiiri galiyey dhalin yadda Soomaaliyeed in ay ka mid noqdaan cidanka qalabka sida, isagoo tilmamay in ay tahay wax loo bahan yahay in dhalin yaradu kamid noqdaan cidanlka sida si ay door uga qataan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Cidanka boliska somaliyeed ayaa la aas aasay 20 bishii desenbar 1943 waana cidankii ugu horeyey ee uu yeesho dalkeena.