Gudoomiyaha degmada Boondheere mudane Qaasin C/laahi Xasan oo uu wehliyo ku simaha maamulka xarunta agoonta gabdhaha Boondheere, Sakariye Nuur Abuukar ayaa maanta dhagax dhigay Ceel biyood cusub oo laga qodayo xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Mudane Qaasin C/laahi Xasan gudoomiyaha Boondheere oo ka hadlay munaasabaddii dhagax dhigga Ceelkaasi ayaa sheegay in qarashka ku baxaya wajiga koobaad ee dhismaha ceelkaasi ay iska kaashadeen maamulka degmada Boondheere iyo kan xarunta agoonta gabdhaha Boondheere.
Gudoomiye Qaasin ayaa ku boorriyay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka wax heysta iney ka qeyb qaataan dhameystirka Ceelkaasi, isagoo tilmaamay in ay tahay sadaqo Jaariyo ah, wuxuuna ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in la caawiyo agoonta Soomaaliyeed.
Sidoo kale gudoomiyaha degmada Boondheere oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ceel biyoodkan ay baahi badan u qabeen caruurta agoonta ah ee wax ka barta xarunta agoonta gabdhaha Boondheere, wuxuuna ku ammaanay maamulka xaruntaasi sida wanaagsan ee uu u daryeelo gabdhaha agoonta ah.
Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Boondheere ayaa koormeeray qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi, isagoo mid mid ugu soo wareegay fasallada ay wax ku bartaan gandhaha agoonta ah, wuxuuna u kuurgalay xaaladda waxbarasho iyo tan nololeed ee agoontaasi.
Dhawaan ayeey aheyd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu xarigga ka jarauy dhisme cusub oo dowladda Jabuuti ka hirgelisay xaruntaasi, iyadoo ceelbiyoodkan maanta la dhagax dhigayna uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo nolosha caruuta agoonta ah ee ku xareysan xarunta gabdhaha agoonta Boondheere.