Kulan Casha sharaf iyo dhiirri gelin ah ayaa waxaa Xalay Magaaladan Muqdisho loogu sameeyay xulka kubadda cagta ee Hirshabeelle, kaasoo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelleย Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabell Gudoomiyaha gobolka Shabeellada dhaxe ย Gudoomiyah Arrimah Bulshada gobolka shabelah dhaxe iyo gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.
Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabelle Cabdi qani jeenyo oo madasha ka hadlay ayaa ku Ammaanay Ciyaartooydaย ย Hirshabeelel dedaalka iyo diyaargaroowga dheer ee ay Sameeyeen, isagoo ka sheekeeyay taariikhdii ay Hirshabeelle ku lahayd Sportiga Dalka.
Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Hirshabelleย Cabdi Xuseen Geediย ayaa u rajeeyay dhalinyarada kubadda cagta hirshabelleย inay ku guuleestan koobkaasi, wuxuuna faray inay la yimmaaddaan dedaal iyo dhabar adayg ku aaddan hanashada Koobka Kubbadda Cagta ee Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelleย Mudane Maxamed Cabdi Waareย ayaa ugu ku boorriyay Ciyaartooyda Hirshabelle in tartanka koobkaย Dawlada gobleedyada iyo gobolka Banaadir ay guulo la taaban karo ka soo hooyaan, soona celiyaan kaalintii ay kaga jireen Sportiga Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliya ayaa Marti galisay Sanadkii 2aad ee tartanka ciyaaraha Dawlad Goboleedyada Dalka, markaas oo ay koobka hanatay Ciyaartooydii ka socotay Puntland.