Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Daawo+ Sawirro” Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
“Daawo+ Sawirro” Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hugaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Senetor Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug bartamaha Dalka.

Senetor Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari socdaalkiisa ayaa waxaa ku wehlinaayay senetoro kale oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi xasan Cawaale qeybdiid iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Aqalka Sare Seneter Cabdi Dhuxuloow dhag dheer.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Masuuliyiintaan ka tirsan Aqalka sare ee Dowladda dheexe ee Dalka deegaan doorashododuna ahayd ee Galmudug Maantana soo gaaray Caasimadda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha OSHAAKA ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ,Guddoomiyaha Gobalka Mudug,Maayarka Gaalkacyo ee Galmudug,Saraakiisha Ciidmadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Booliiska iyo qeybaha bulshada Gaalkacyo.

Xildhibaanadaan ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Dalka ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug oo ugu horeeyo Xaaf iyo qeybaha bulshada waxayna Galabta markii ay gaareen Gaalkacyo la kulmeen Saraakiishada Ciidanka Xoogga sida Danad iyo 21 aad oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waxay marti galisay Madax kala duwan oo ku imaanaysay booqashooyin kala duwan oo la xariira Arrimaha Amniga iyo Horumarinta Gobalka.

Sawir Qaade Wariye Baashi Cali Xaashi

Previous Post

Kulan ku saabsan Ilaalinta Caruurta iyo Xuquuqdooda oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Next Post

Dekada Muqdisho oo lagu qabtay Kontainer Khamri ah +Sawirro

Next Post
Dekada Muqdisho oo lagu qabtay Kontainer Khamri ah +Sawirro

Dekada Muqdisho oo lagu qabtay Kontainer Khamri ah +Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In