Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso+ Sawirro’ Warbixin: Xaaladda Dadka ku nool Deegaanka koogaar ee Gobolka Sh/dhexe

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Akhriso+ Sawirro’ Warbixin: Xaaladda Dadka ku nool Deegaanka koogaar ee Gobolka Sh/dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa warbixin gaar ah oo aan kaga hadleyno  saameynta  Colaadda iyo abaarta ay ku yeelatay  dadka degan deegaanka Koogaar, gaar ahaan dadka  barakacayaasha ah ee ka soo barakacay  deeegaanka  Koogaar  oo ka tirsan Degmada Cadale  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  oo Dagaal beeleed ku dhex maray laba beelood oo walaala ah, taasi oo heshiis horudhac ah laga gaaray, waxaana  ka  muuqday  dadka iyo   duunyada  dhibaatooyin  ka dhashay dhinacyada  abaarta iyo  colaadda, iyadoo  dhulka uu yahay  mid aad  u kulul  oo aan wax roob ah  ka  di’in  seddexdii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

Dadka ku nool deegaannada hoos taga  Degmada Cadale ayaa waxa ay la daala dhacayaan abaarta saameysay noloshooda” maadaama ay ku xoolo beeleen waxaana  dadka degan deegaanka  Koogaar ka muuqato daruufo adag oo xagga nolosha ah.

Dadka ku nool deegaannada iyo tuulooyinka hoos taga Degmada Cadale ayaa  waxa ay  noloshooda ku tiirsantahay Xoolaha, Beeraha  iyo kalluunka.

Qaar ka mid ah dadkii ka  faa,iideystay deeqdaasi raashiinka ayaa ka  mahad celiyay  deeqda la soo gaarsiiyay  waxeyna  ugu baaqeen dowladda dhexe soomaaliya iyo maamulka  hir shabeele  in ay soo eegaan xaalada ddakaasi ay ku noolyihiin

Nabadoon Maxamed Xuseen  Howl laawe  iyo Nuur Ciyow Geesey oo ka  mid ah odayaasha deegaanka  ayaa ka hadlay  xaalada nololeed ee dadka barakacayaasha  ah.

Gudoomiye ku xigeenka  arrimaha Siyaasadda iyo Amniga  ee degmada  Cadalle ee  Gobolka  shabeelaha dhexe  Xuseen Muxyadiin Cabdulle  ayaa ka warbixiyay baahiya ay qabaan dadka barakacayaasha  iyo waxyaabaha ay soo gaarsiiyeen  cod

dadkan lu nool deegaano hoos taga degmada cadalle  ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay  abaarta  iyo colaada  ka taagan Gobolka  waxaadna ka  dareemeysaa  deegaanadaasi biyo la ,aan iyo  Caafimaad daro haysata dadka deegaanka

Waxaa halkaas dhawaan Safar shaqo ku tagay  Wariye Muuse Cismaan Abtow oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Warbixintaana ka diyaariyay.

Previous Post

R/Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Maxamed Jaamac oo ku geeriyooday Caabud-Waaq

Next Post

Deeq la gaarsiiyay Barakacayaal ku nool deegaanka Waydow “SAWIRRO”

Next Post
Deeq la gaarsiiyay Barakacayaal ku nool deegaanka Waydow “SAWIRRO”

Deeq la gaarsiiyay Barakacayaal ku nool deegaanka Waydow "SAWIRRO"

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In