Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirro+Jaamacada SIMAD oo Heshiis Iskaashi la saxiixatay Jaamacada Vaal oo ku taala dalka Koonfur Afrika,

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirro+Jaamacada SIMAD oo Heshiis Iskaashi la saxiixatay Jaamacada Vaal oo ku taala dalka Koonfur Afrika,
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo heshiiskaan ay ku kala saxiixanayeen jaamacada Simad ee ku taala magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya iyo Jaamacada Vaal ee ku taala magaalada Vereeniging ee gobolka Gueteng dalka Koofur Africa ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka labada jaamacadood,aqoon yahano u kala dhashay dalalka Soomaaliya iyo Koofun Afrika iyo masuul ka socday Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaan.

Heshiiskaan labada jaamacadood ee Simad iyo Vaal ay kala saxiixdeen ayaa waxaa ku jira qodobo muhim ah oo ay ka mid yihiin.​​

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

1-Iney iska Iskaashadaan cilmi baarista iyo Tiknaloojiyada,
2-Iney is weydaardaan ardeyda iyo macalimiinta
3-Iney wadaagaan keydka iyo macluumaadka ay jaamacad kasta heysato
4-Iney si wadajir ah u qabtaan shirar cilmiyeed caalami ah oo kadhici doona magaalooyinka Muqdishu iyo Johannesburg.
5-Iney wadaagaan manaahijta iyo khibrada
6-Iney si wadajir ah u bixiyaan taqasusyada sare ee Masterka Iyo PhD,
7-In labada jaamacadood ay xiriir dhow yeeshaan, iyo qodobo kale oo muhim ah.
Hishiiskaan ayaa labada jaamacadood waxaa u kala saxiixay Daahir Xasan Carab oo ah gudoomiyaha jaamacada Simad iyo Waliba Ndodomzi Zide oo ah madax ku xigeenka Jaamacada Vaal.

Gudoomiyaha jaamacada Simad Daahir Carab ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dadaal dheer ay usoo galeen labada jaamacadood sidii heshiiskaan ay u kala saxiixan lahaayeen fursad ayna u tahay ardayda Soomaaliya in ay ka faa’iideystaan.

Gudoomiyaha Jaamacada Vaal ee Tiknaloojiyada iyo Seyniska Prof. Gordon Zide ayaa asna dhankiisa waxaa uu sheegay in arin lagu farxo ay tahay howshaan maanta ay qabteen labadaa jaamacadood ayna sii wada doonaan sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskaan.

Dalalka kasoo kabanaya burburka ka dhasha colaadaha iyoΒ  dagaalada sida Dalka Soomaaliya waxaa ay u baahan yihiin aqoon wadata farsamada iyo cilmiga Tiknaloojiyada casriga ee aduunka ka hana qaaday iminka heshiiskaan waa mid u fududeynaya ardayda Soomaalida in aqoonta ay halkaan kala tagaan ay dalkooda uga faa’iideyaan karaan waa sida uu qabo Prof Cabduqaadir Cigaal oo Barre ka ah jaamacada Vaal .

U Qaabilsanaha Waxbarashada iyo dhaqanka Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika Cabdi Xalane Xirsi ayaa sheegay in jaamacada Vaal ay diyaar u tahey In Soomaliya ay wax laqabtaan.

Talabadaan jaamacada Simad ay heshiiiska kula saxiixatay mid ka mid ah jaamacada ugu tayada sareeya qaarada tan Afrika ayaa waxaa uu Ka dhigan yahay mid ka mid ah guulaha dhanka waxbarashada oo uu gaarayo dalka Soomaaliya waxaana dhanka kale ay fursad u tahay ardayda hore ugu dhibanaa in ay waxbarasho u yimadaan dalkaan Koonfur Afrika.

Cabdullaahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.
Johannesburg-Koonfur Afrika.

Previous Post

Dhageyso: Maamulka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug oo sheegay in ay ka shaqeynayaan bilicda Magaalada

Next Post

Guddoomiye Yariisow oo soo xiray kulamada wada tashiyada Dadweynaha ee geeddi socodka doorashooyinka 2020 (Sawirro)

Next Post
Guddoomiye Yariisow oo soo xiray kulamada wada tashiyada Dadweynaha ee geeddi socodka doorashooyinka 2020 (Sawirro)

Guddoomiye Yariisow oo soo xiray kulamada wada tashiyada Dadweynaha ee geeddi socodka doorashooyinka 2020 (Sawirro)

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In